Ciidamada Wadaniyiinta Oo Dib Ulla Wareegay Fariisimahoodi!!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Ciidamada Wadaniyiinta Oo Dib Ulla Wareegay Fariisimahoodi!!

Post by AhlulbaytSoldier »

Kismaayo: Ciidamada Dowladda Oo Dib Ulla Wareegay Fariisimahoodi Iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Gadaal Ka Maray Ciidamada Kenya.
Published on June 29, 2013 by galgaduud · 13 Comments
Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Caawa magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dib ulla wareegeen fariisimahoodi kadib marki ay dib u gurasho xeelad dagaal maanta uga baxeen fariisimahaas.

Waxaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo dagaal faraha looga gubtay oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya maleeshiyaadka beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolada Jubbooyinka iyo Ciidamada Kenya oo garabsanaya maleeshiyo beeleedka Raaskambooni dagaalkaas oo dhaliyay qasaaro nafeed iyo mid maalba.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa saacadihi koobnaa ee ay ciidamada Kenya iyo maleeshiyada Raaskambooni gacanta ku hayeen fariisimaha ay baneeyeen ciidamada dowladda inay bililiqo baahsan u geeysteen guryo iyo Hotelo ku yaal qaar kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo.

Dagaalka maanta ayaa waxaa si toos ah uga qeeyb qaadanayay ciidamada Kenya oo weliba adeegsanayay Madaafiicda Goobta iyo Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo laga hagayay madaafiicdaas lagu garaacayay fariisimaha ciidamada Dowladda iyo xaafadaha dadka rayidka ah ee gudaha magaalada Kismaayo.

Weerarka maanta ay soo qaadeen ciidamada Kenya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa uu dabo socdaa kadib marki shalay gabi ahaan gudaha magaalada Kismaayo laga saaray maleeshiyo beeleedka Raaskambooni loona awood sheegtay ilaa ay baqo ku galeen fariisimaha ciidamada Kenya ee magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo warka ugu dambeeyay ee hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in iminka leeysku horfadhiyo goobihi uu maanta ka biloowday dagaalka oo ay ciidamada dowladda dib ugu soo laabteen kadib marki ay sameyeen dib u gurasho xeelad dagaal maanta galinki hore.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com
User avatar
DANGIRL
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12793
Joined: Wed Dec 03, 2003 7:00 pm
Location: .....

Re: Ciidamada Wadaniyiinta Oo Dib Ulla Wareegay Fariisimahoo

Post by DANGIRL »

Image
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Re: Ciidamada Wadaniyiinta Oo Dib Ulla Wareegay Fariisimahoo

Post by Somali-Transporter »

dangirl the fanatic girl of the year.. :D
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”