Only on snet do certain folks hold power.

. KISMAAYO:- Ugu yaraan 75 ruux oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii ku dagaalamay ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen dagaal maalintii labaad galay oo ka dhacay magaalada Kismaayo, sida ay xaqiijinayayaan goob joogayaal ku sugan Kismaayo.
Maleeshiyaadka taabacsan maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta magaalada kadib dagaal maalintii labaad galay oo ka dhacay magaallo xeebeeda Kismaayo.
Goobjoogayaal ku sugan gudaha Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalkii uu haatan joogsaday iyadoona dhaawaca iyo dhimashada ay dagaaladani sababeen ay sare u kaceen.
Barre Aadan Shire oo kaashanayay shakhsiyaad sheegtay iney yihiin madaxweynayaal ayaanan la ogeyn halka ay haatan ku sugan yihiin, iyadoona gebi ahaanba magaalada ay gacanta u gashay maamulka Jubbaland.
Saraakiil dhinaca caafimaadka oo ka shaqeeya isbitaalka guud ee Kismaayo ayaa xaqiijiyay in dhaawac xad dhaaf ah uu soo gaaray Isbitaalka iyadoo tirada dhaawaca oo u badan dadka shacabka ay haatan ku dhaw