Iskahorimaad Khasaare geystey oo ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa maanta ka dhacay iska hor imaad khasaare badan geystey oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Puntland iyo kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda ololaha doorashada ee ururka Horseed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Faroole.
Dagaalka oo ahaa mid muddo saacad ka badan socdey, wuxuu ka bilowday fagaaraha (Horweyn), kaddib markii dad shacab ah oo aad u caraysani ay kala eryeen taageerayaasha ururka Horseed oo halkaas isugu soo ururay.
Intaas kaddib waxaa goobta soo gaarey ciidamada ammaanka, waxaana rasaas isweydaarsadey iyaga iyo qaar kamid ah dadkii kasoo horjeedey ololaha ururka Horseed. Muddo yar kaddib wuxuu iska hor imaadku isu beddeley mid weyn oo laga dareemay guud ahaan xaafadaha Gaalkacayo.
Maamulaha isbitaalka guud ee gobolka Mudug Dr. Sugulle oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in isbitaalka lasoo gaarsiiyey meydka 3-qof iyo dhaawaca in ka badan 8-qof, wuxuuna intaas ku daray in 3-kamid ah dadka dhaawaca ahi ay askar yihiin.
Intii uu iska hor imaadku socdey waxaa sidoo kale la gubey mid kamid ah gaadiidka ciidamada Puntland, iyadoo dhinaca kale uu hakad galay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee xaafadaha qaar.
Xaaladda magaalada Gaalkacayo ayaa xilligan ah mid deggen, haseyeeshee wixii war ah oo kasoo kordha iska hor imaadka maanta Gaalkacayo ka dhacay dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.
Deadly war between punthiopia & muqawama in Gaalkacyo
Moderator: Moderators
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 22 Replies
- 1920 Views
-
Last post by Advocatar
-
- 3 Replies
- 550 Views
-
Last post by Koronto91
-
- 14 Replies
- 1119 Views
-
Last post by Xingalol
-
- 6 Replies
- 577 Views
-
Last post by S-D-M
-
- 1 Replies
- 411 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 186 Views
-
Last post by X-unit
-
- 0 Replies
- 2134 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 2520 Views
-
Last post by S-D-M
-
- 4 Replies
- 2126 Views
-
Last post by original dervish
-
- 8 Replies
- 1374 Views
-
Last post by Marques