http://www.bbc.co.uk/news/world-africa-15739706Itoobiya Oo Ansixisay Miisaaniyad Dhan 154 Billion Birr Oo U Dhiganta 8 Billion Oo Dollar, Iyo Dhaqaalaha Dalkaasi Oo Sameeyey Korodh Gaadhaya 11%
Adis-ababa(Ramaasnews) July05, 2013Dawlada Ethiopia ayaa sheegtay in dhaqaalaha dalkeedu uu sameeyey korodh gaadhaya 11%, waxaanay qorshaynaysaa inay ku talaabsato sanadka 2013/14 korodh intaa ka badan, iyadoo kor u qaadaysa adeegyada asaasiga ah oo muhiimad balaadhan u leh korodhka Miisaaniyad dalkaasi, sidaasi waxa sheegay Raysal Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn oo la hadlayey Baarlamaanka dalkiisa. Dalkan ku yaala Bariga Afrika ayaa sanadadkii u dambeeyey waxa uu qaaday talaabooyin uu ku hirgalinayo mashaariic ku saabsan adeegyada asaasiga ah si uu hore ugu mariyo dhaqaalaha, mashaariicdaasina waxa ka mid ah qorshe ay ku baxayaan malaayiin dollar oo lagu balaadhinayo waxsoosaarka Tamarta biyaha laga dhaliyo (hydro-power) iyadoo biyo xidheen laga dhisayo wabiga Nile.
“Ethiopia dhaqaalaheedu wuxuu kordhay (GDP) in ka badan 10% intii lagu gudo jiray labadii sanadood ee la soo dhaafay, waxaananu rajaynaynaa inaanu korodhkaasi joogtayno oo uu kordho sanadada 2013/14,” Hailemariam ayaa sidaasi u sheegay Baarlamaanka, Salaasadii. Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa iyaduna warbixin ku sheegtay Salaasadii inay filaysay in dhaqaalaha Ethiopia uu kordho 7 percent sanadada 2012/13. Miisaaniyadeeda Ethiopia oo Baarlamaanku ansixiyey doraad ayaa ah 154.9 billion birr oo u dhiganta ($8.3 billion) sanadka 2013/14, kana bilaabmaysa July 8/2013 iyo ka ku xiga July 7/2014, waxaana kharashaad badan loo qoondeeyey caafimaadka iyo waxbarashada wadankan ku jira wadamada ugu saboolsan aduunka balse ka midka ah wadamada dhaqaalahoodu dhakhso uu u kobcayo. Ethiopia waxa ay dhismaha wadooyinka ku kharash garaynaysay lacag ka badan $3.6 billion tobankii sanadood ee u dambeeyey. Iyadoo miisaaniyad sanadeedkana u qoondaysay kharashaad dhan 29 billion birr. Kobocan Dhaqaale ee Ethiopia ayaa keenay dhinacyada Adeegyada oo la balaadhiyey ama la horumariyey (expansion in services), Beeraha (agriculture), iyadoo waxa ugu badan ee ay dibada u dhoofiyaan uu yahay Bunka iyo xoolaha nool.
http://www.bbc.co.uk/news/world-africa-22596218