
Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa oo ahaa mid saameyn ku yeeshay dhamaan howlihii ganacsi ee Suuqa.Gaari nuuca loo yaqaano Kaarib ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa Sarta Cali Dheere iyo Suuqa daawada.Ma cada in walxaha qarxa ay saarnaayeen iyo in qaraxa lala eegtay, hase ahaatee gaariga ayaa gebi ahaanba ahaa mid dab qabsaday oo holcayay.Qaraxa ka hor ayaa la sheegay in gaariga ay saarnaayeen dad lagu qiyaasay ilaa afar ruux.Ciidamo fara badan oo Boolis ah ayaa goobta soo gaaray, iyagoo rasaas ridayay, ma cada qasaaraha ka dhashay qaraxan.Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
http://jowhar.com/news.php?readmore=683