Maamulka Somaliland ayaa wareegto ka soo saaray baasaboorkii hore ee cagaarnaa kaas oo ay shacabka Somaliland aadka u isticmaalaan, waxaana wareegtadan lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay isticmaalka baasaboorka cagaaran.
Wareegtadan oo uu ku sixiixan yahay agaasimaha wasaaradda duulista Somaliland Axmed Cali Faarax ayaa loogu baaqay shacabka reer Somaliland in ay badalaan baasaboorkii hore ee cagaarka ah maadaama ay badashay dowladda Soomaaliya, caalamkana laga aqoonsaday baasaboorka cusub ee electroniga ah.
Wasaaraddu waxa ay fareysaa shacabka in ay dhaqan geliyaan wareegtadan, iyadoona dhinacyada ay arrintani khuseyso ee socdaalka sida diyaaradaha iyo shirkadaha tigidhada jara in aysan aqbalin baasaboorkii hore.
Shacabka gobolada Waqooyi ee Soomaliya (Somaliland) ayaa baasaboorka cusub ee soomaaliga u soo doonan jiray deegaanada Puntland maadaama uusan ku oolin xafiis laga bixiyo baasaboorka cusub ee soomaaliga.
Arrintan ka soo yeertay maamulka Somaliland ayaa u muuqata mid ay ku badaleyso go`aankeedii hore ee ahaa in aan laga hirgelin deegaanada Somaliland baasaboorka cusub ee soomaaliga maadaama ay horay u diiday.
Caalamka ayaa iminka si toos ah u aqoonsaday baasaboorka cusub ee soomaaliga kaas oo la jaanqaadaya teknolojiyada cusub ee caalamka.

Right move.
Its time that the Somali citizens living in the northern regional state of the three cities should accept the new Passport.
Unity is getting closer guys, get ready

Does any snetter from Maamulka Sedaxda Magaalo have Somali Passport?
If not, u can make that in the second capital city of Somalia. Be quick, or u will have to wait long time
