Hadalkan ayuu ka jeediyay Dr.Farole xili urur siyaasadeedka Horseed ee uu hogaaminayo maanta 11 July,2013 banaanbaxoodii ugu danbeeyay ku qabsadeen magaalada Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland.
Madaxwayne Farole waxa uu sheegay nidaamkaan hada ka hirgalay Deegaanada Puntland ee xisbiyada ina ka mid ahayd balan qaadyadii uu 2009 ku galay doorashooyinka ,wuxuuna raacshay inay ka dhabayn doonan sidii nidaamkaasi loogu dhaqmi lahaa.
''Cidaad rabtid u codee hadaad rabtid Horseed ha u codayn laakiin codee kuwo badan baa dhexda ka baxay oo waxay is lahaayeen waxaan hagaagi mayaan,kuwo badan-baa caqabad u dhigaaya oo umada horumarkeeda hor istaagaya,Somalidu waxay oran jirtay qofkii low isku dhuftaa isagaa u dhutiya,qofkii dhibaato sameeyo waa lagu ciqaabayaa waana laga jaasaynayaa'' Ayuu yiri Farole.
Sidoo kale madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan ururada kale ee hada la aqoonsan yahay,wuxuna tilmaamay nidaamkaan inuu sharaf guud u yahay dhamaan umada Soomaaliyeed,maadama laga baxayo nidaamkii qabiilka.
''Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Nin durbaan tumay ilaaq dalbay,inaanu axsaab furno oo aanu iraahno nin walba ha tarmaya,waxa weeye tartama oo kuraasta madaxtinada u tartamaya,ninkii wanaag doonaya wanaagsan ha raaco aduunka oo dhan marxad culus oo dhaqaalo xumo ayay ku jirtaa,waxaasi oo dhan waxaa looga gudbi karaa midnimo iyo codawga oo hal meel looga wada istaago''.
Doorashooyinka ayaa la filayaa inay afar beri ka dib ka dhacanaa deegaanada Puntland markii ugu horeysay ,waxana la soo gabogabeyeeyay ururada badi ololohooda doorasho.
If someone can post the pictures feel free here's the link http://www.garoweonline.com/artman2/pub ... hada.shtml
I can't post them atm. Long live xafiduallah Faroole and Puntland.
