Xaalada magaalada Qardho, Galkacyo iyo deegaano oo ka tirsan Puntland ayaa saaka degan, kadib markii shalay qalalaaso ay ka dhaceen, kaasoo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac markii uu iska hor imaad dhex maray ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanka.
Sanaadiiqdii cod bixinta ee loogu tala galay in maanta oo Isniin ah ay dadka ku codeeyaan ayaa lagu gubay magaalada Qardho, Galkacyo iyo tuulooyin kale, halka deegaano dhowr ahna laga diiday in la soo geliyo.
Nidaamka Faroole ayaa waxaa soo wajahaya mucaarado xoog leh oo uga imaanaya gudaha Puntland, kadib markii horaantii sanadkan uu muddo kordhin sanad ah sameystay, taasna ay kicisay siyaasiyiinta iyo dadka ka soo horjeeda maamulkiisa.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda Faroole ayaa ku eedeeyay in maamulkiisa maroorsaday awooda, isla markaana siyaasadiisa tahay mid hal dhinac, iyadoo ka digay doorashooyinka golaha deegaanka ee ilaa afar urur siyaasadeed ku tartami lahaayeen.
Go'aanka uu qaatay Faroole ee joojinta doorashada ayaa loo arkaa mid ka dambeysay mucaaradada uga yimid deegaanada qaar ee sababay isku dhacyada iyo sanaadiiqdii oo meelo fagaare ah lagu gubay.
Madaxweyne Faroole ayaa ku eedeeyay inay ka dambeeyaan kooxo qas wadayaal iyo kuwo dibada laga soo kireeyay oo deegaanada Puntland ka abuuraya fowdo iyo qas, isagoo ku baaqay in tallaabo laga qaado.
Qalalaasihii shalay ka dhacay magaalada Qardho ee Gobolka Kar-Kaar ayaa waxaa ku dhintay afar ruux oo uu ku jiro Taliye ciidan, halka 10-kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo dhacdadaas ay aheyd mid dadka deegaanka ay ku muujiyeen sida ay ugu soo horjeedaan maamulka Faroole.
Thaghut Faroole is most hated person in Puntland

