
Jazeera estate project 1200+ new villas/apartments

DHISMAYAAL ISKU DHAF AH
DEEGAAN & GANACSI
MIXED USE RESIDENTIAL & COMMERCIAL
Jazeera Estate waa xaafad cusub, casri ah, iskeed u taagan, amnigeedu sugan yahay, 3km oo keliya u jirta garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusman, Muqdisho.
Jazeera Estate wuxuu ka kooban yahay guryo la dego, goobo lagu ganacsado, kuwo lagu cibaadeysto iyo kuwo lagu nasto oo bilic iyo tayo heer sare leh.
Jazeera Estate waxaa ku dhameystiran dhammaan adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogto ah, teleefoon & internet, iwm.
Jazeera Estate waa xaafaddii ugu horreysay Soomaaliya oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogto ah uga shaqeeya sugista amniga, maareynta goobaha danta guud sida masaajidyada, waddooyinka, goobaha carruurtu ku ciyaarto, xaddiiqadaha lagu nasto, bilicda \ iyo nadaafadda guud ee xaafadda sida qaadista qashinka, nadiifinta goobaha danta guud, dhireynta iyo wada noolaanshaha.
http://www.jazeeraestate.com/