Kismaayo(AGGM) Ciidamada Falaagada Alshabaab waxay xalay weerar culus ku qaadeen fariisimo Jabhadda kale ee Raaskambooni ku lahayeen duleedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan nawaaxiga Jaamacadda,waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal aad u culus oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ciidamadda Falaagada Alshabaab ayaa sheegay in dagaalkaasi soo qaadeen isla markaasna ay xoog kula wareegeen farisiinkii ciidamada Jabhadda Raaskambooni ee duleedka Jaamacadda Kismaayo,waxaana la sheegay inay halkaasi ku sugnayeen muddo kooban iyagoo gacanta ku dhigey hub ay lahayeen Jabhadda Raaskambooni.
Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegay inay u soo yaaceen dhinaca Magaalada Kismaayo isla markaasna sheegeen in Alshabaab soo weerartay ayna la wareegtey farisiinkii ay ku lahayeen duleedka Jaamacadda,waxaana la sheegay inay arriintaasi ku wargeliyeen ciidamada Siraliyoon ee halkaasi ku sugan,waxaana la sheegay in ciidamada Siraliyoon ku amreen inay dib ugu laabteen fariisimihii laga soo bursaday.
Ciidamadii Raaskambooni ayaa la sheegay inaysan dib ugu laaban halkaasi isla markaasna ay gudaha u soo galeen gudaha magaalada Kismaayo halkaasi oo la sheegay inay keeneen dhawr askari oo dhaawac ah kuwaasi oo hadda lagu daawaynayo isbitaalka ciidamada Amisome ee garoonka diyaaradaha.
Falaagada Alshabaab ayaa la sheegaya inay halkaasi ku qabsadeen hub fudud oo ay lahayeen Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegay inay markii ay mudo kooban halkaasi ku sugnayeen ay dib uga laabteen degaanadii ay dulaanka ka soo qaadeen. Waxaana wararku intaasi ku darayaan ciidamada Amisom jabhadda Raaskambooni ku amreen inay weeraro kaligood ah ku qaadan fariisimaha Alshabaab ee duleedka Kismaayo.
Ugu dambeynti waxaa muuqata in ciidamada Amisom Jabhadda Raaskambooni shaki weyn ka qabaan isla markaasna aysan awood u lahayn inay iska caabiyaan Faalagada Alshabaab,waxaana Ciidamada Amisom dhawr jeer ku celceliyeen inay Jabhadda Raaskambooni weeraraan duleedada Kismaayo ee shabaabku ku sugan yihiin iyadoo arrintaasi ay ka biyo diideen Jabhadda Raaskambooni.
http://allgalgaduud.com/?p=13877
War in Kismayo started Xalay! RK's lost checkpoint
Moderator: Moderators
- Casanova25
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2778
- Joined: Wed Jul 17, 2013 7:25 pm
- Location: **********************
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 1269 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 5 Replies
- 886 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil
-
- 0 Replies
- 272 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 25 Replies
- 1754 Views
-
Last post by Nubis
-
- 37 Replies
- 2693 Views
-
Last post by quark
-
- 18 Replies
- 1987 Views
-
Last post by RebelLion
-
- 7 Replies
- 548 Views
-
Last post by mahoka
-
- 15 Replies
- 3729 Views
-
Last post by lady_habarjeclo
-
- 0 Replies
- 287 Views
-
Last post by SunFromNorth