War Deg-Deg Ah: 600 Oo Askari Iyo 13 Tikniko Ah Oo Ka Soo Goostay Maleeshiyadaka khaatumo Oo Somaliland Isu soo Dhiibay.
Fiqi Fuliye(Ramaas) July20, 2013 -- Ciidankii ugu badnaa ee iska soo dhiiba maleeshiyaadka khaatumo ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Deegaanka Fiqi Fuliye ee bariga sanaag,halkaas oo ay ku qaabileen wafti ballaadhan oo heer wasiiro ah oo ka ambabaxay Magalada Hargeysa si ay u soo dhaweeyaan kooxdan.
Kooxdan ka soo goosatay ee garawsatay in aanay xabada waxtarayn ayaa la sheegayaa in ay tiradoodu dhantay 13 tikniko ah iyo 600 oo ciidan ah,kuwaaas oo la sheegay in ka hor intii aanay la kulmin waftigani lagu soo dhaweeyay xalay taliska ciidan ee aaga bariga somaliland ku sugan,
Wasiirka warfaafinta somaliland oo goordhawayd la hadlayey Idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyey in ay 600 oo ka mid ahaa kooxda khaatumo ku soo dhaweeyeen maanta deegaanka fiqi fuliye,isagoo sheegay in ay sidiiran ugu soo dhaweeyen ciidankan oo uu sheegay in ay hada garawsadeen in aan dagaal xal lagu gaadhi karin balse waan waan iyo afgarad wax lagu dhamayn karo,isagoo intaas raaciyey in ay kooxdan soo goosatay ay ku weheliyaan oday dhaqameedyadoodii isla markaana ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan.
Ciidammadan kan iska soo dhiibay maanta kooxda khaatumo ayaa noqonaya kii ugu badnaa ee ka soo goosta tan iyo intii la aasasay arrintan ayaa la sheegay in ay ka dambaysay ayadoo mudooyinkii u dambaysay ay wada hadalo u socdeen xukuumadda somaliland iyo qaar ka mid ah horjoogeyaashooda,oo la sheegay in ay la socdaan.
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Wa ... vbQ9m.dpuf
Fiqi-fuliye(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa manta tuulada Fiqi-fuliye ku qaramaysay ciidan gaadhaya Lix boqol oo Askari oo watay Tikniko iyo ka xamuulka, waxaana manta si toos ah loogu wareejiyay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale.
Tuuladda Fiqi fuliye waxa Maleeshiyaddaas ku guddoomay wefti wasiiro ah oo ka ambabaxay magaaladda Hargeysa oo uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, xuxbnana ay ka ahaayeen Wasiirka warfaafinta, Wasiirka Biyaha iyo wasiiru-dawlaha Nabadaynta Goboladda Barri ee Somaliland.
Ciidankan oo ka tirsanaa Maleeshiyadda Khaatumo waxa hogaaminayay Abaanduulihii Maleeshiyadaasi Maxamed Raage, halka uu gadh-wadeen u ahaa Garaad Claahi Maxamed Guuleed oo ka tirsan Madax dhaqameedka Beesha Xudun ee ay ka soo jeedaan Maleeshiyadda la qarameeyay.
Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed daahir Cukuse ayaa sheegay in ay ka faraxasheen Nabadayn ay beryahanba ka wadeeen deegaankaasi isagoo sheegay labadii Ciidan ee Rasaasta isku ridayay in la dhameeyay oo ay ku bahoobeen Ciidanka Qaranka Somaliland
http://waaheen.com/?p=5798