Baro af-Somali, baro af-Ingiriis, baro af ....! Burhaanto waa barashada.
Afafku isma diidana! Intaad haleesho baro! Si qurux iyo xiiso lehna wax
ugu qor. Ku dadaal inaad kaba badiso dadka u dhashay.
Afka hooyana dhuux oo dhadhanso:
- Baro sarbeebtiisa iyo saansaanka dhismihiisa,
Baro suurowgiisa iyo buraanburkiisa
Baro gabayadiisa iyo geeraarradiisa iyo guurowyadiisa,
Baro balooleydiisa iyo baxlihiisa iyo bulladiisa iyo beerreydiisa,
Baro luumbigiisa iyo xayaadkiisa
Baro wiirawiiradiisa iyo walasaqadiisa
Baro maahmaahyadiisa iyo murtidiisa
Baro googaadisa iyo xal-xiraalihiisa
Baro kaftankiisa iyo kelli-ka-daarkiisa
Baro ... ... ...
samayn kara qofkii afafka kale u dhuun daloola!
- Afka hooyo hodon weeye oo; Waa halaan hubo'e
Wixi loo hilmaamaaba waa; Hadimo noo taale
Higso oo haldoonkiisa noqo; Halabso miiddiisa!
Hawraarta mirihiisa garo; Hillinka ay taallo!