July 24, 2013 10:50 am GMT - Written by Yusuf - Edited by Yusuf
Wasiirka Warfaafinta Gaadiidka Cirka iyo dhulka Dowladda Federalka Soomaaliya Mr Ciilmooge oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad u beeniyay in Xarunta Laanta Hawada laga dhigayo Hargeysa. Wasiirka wuxuu tibaaxay in Xarunta weyn ahaan doonto Muqdisho balse adeega la gaarsiin doono Hargeysa iyo Garowe.
Wasiir Ciilmooge wuxuu meesha ka saaray heshiiskii ergadii kala meteleysay DF iyo Somaliland ku saxiixdeen Istanbul,wuxuuna cuskaday sharciga xeerka ee Hawada Soomaaliya kana diiwaangashan Qaramadda Midoobay. Hadalkaan wuxuu wejigabax iyo fadeexo ku yahay ergadii Somaliland


Very good decision.