Khamiis, July 25, 2013 (HOL) - Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cambaareeyay jabinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo la sheegay in labada waddanba uu hubku ku sii qulqulo.
Go'aan ay isku raaceen dhammaan xubnaha 15-ka ah ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu cambaareeyay hubka ku sii qulqulaya labadan dal oo la sheegay inuu yahay khatar dhanka ammaanka ah oo soo foodsaartay gobolka.
Golaha ayaa sheegay inay sideeda sii ahaan doonto cunaqabataynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, balse waxaa la cadeeyay in laga khafiifiyay dawlada Soomaaliya oo ay lasoo dagi karto qalab ciidan iyo sidoo kale taageero iyo tababar lasiiyo ciidanka Soomaaliya ilaa iyo inta laga gaarayo March 6, 2014.
Golaha ayaa sidoo kalana walaac ka muujiyay dhoofinta dhuxusha ee sii socota, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii ku xadgudubta xayiraada saaran dhoofinta dhuxusha.
"Hadii ay sii socoto dhoofinta dhuxushu waxay keeni doonta jarida dhirta oo lama dagaan ka dhigi doonta dhul gaaraya 1,750 square kilometers oo ka wayn dhulka ay ku fadhido magaalada Houston ee gobolka Texas ee waddanka Maraykanka" ayaa lagu yiri warbixin loo akhriyay golaha.
Waxaa kale oogolahu go'aansadeen inay wakhtiga u kordhiyaan guddiga kormeerayaasha cunaqabataynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea ilaa iyo Nov. 25, 2014.
Golaha ayaa sidoo kale ka digay in muranka dhinaca xadka ah ee u dhexeeya Eritrea iyo Djibouti ay khatar ku tahay amniga gobolka iyo kan caalamkaba.
Labada waddan ee Eritrea iyo Djibouti ayaa dagaal dhowr maalmood socday uu xadka ku dhexmaray ciidankooda sannadkii 2008-dii.
Dhanka kalana golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa ammaanay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay gaartay sannadahan u dambeeyay kasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid la taaban karo.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo cambaareeyay jabinta
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 418 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 1 Replies
- 395 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 0 Replies
- 309 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 16 Replies
- 1336 Views
-
Last post by MASKIINA
-
- 0 Replies
- 643 Views
-
Last post by abgaalKING
-
- 3 Replies
- 345 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 24 Replies
- 948 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 281 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 8932 Views
-
Last post by DayaxJeclee
-
- 4 Replies
- 627 Views
-
Last post by zackabdul