Axmed Madoobe akbaru qaa'in wadan.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Axmed Madoobe akbaru qaa'in wadan.

Post by bashe19 »

Sheikh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo kamid ah Hogaamiyayaasha Ahlu Sunna Waljameeca, ayaa waxa uu sheegay in Hoggaamiyaha Ururka Raaskambooni Axmed Madoobe uu damacsan yahay inuu ka goosto Xukuumadda Somalia.
Aw-libaax waxa uu sheegay in Ujeedka Axmed Madoobe uu yahay in Kismaayo lagu daro Dalka Kenya, isla markaana Magaalladda Kismaayo, ay howl ka qabsadaan Ciiddamadda iyo Dowladda Kenya.
Sidoo kale, Aw-libaax oo ay dhawaan kala irdhoobeen Axmed Madoobe, ayaa waxa uu Tilmaamay in Axmed Madoobe uu wado Qorshe ka duwan kan ay damacsan tahay Xukuumadda Somalia oo ah in dalka la mideeyo, isagoona sheegay in Xukuumadda iyo Ahlu sunna looga baahan yahay inay iska kaashtaan Howlaha uu gacanta kula jiro Axmed Madoobe.
Dhanka kale, waxa uu Aw-libaax sheegay in Axmed Madoobe, uu damacsan yahay in gabi ahaan Ciiddamadda Kismaayo, laga diiwan galshay Wasaaradda Gaashandhiga Dalka Kenya, sidaasina Kismaayo looga howlgalsho Ciiddamo Somali-Kenya ah.
Ugu dambeyntii, Aw-libaax, waxa uu ka digay qatarta ka imaan karta damaca Axmed Madoobe ee ku aadan Kismaayo.

:dj: :dj:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”