Dhageyso: Sanadguuro wacan umadda Puntland
31 Jul 31, 2013 - 1:54:21 PM
GAROWE ONLINE
Warsidaha Garowe Online waxa uu dhamaan umadda reer Puntland meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu hanbalyeynayaa munaasabada sanadguurada 15-aad ee ka soo wareegtey asaaskii Puntland oo ku beegan maalinta beri ah.
Maalinta ugu horeysa bisha August sanad weliba ayaa si fiican waxa uga dheregsan dadweynaha reer Puntland,waxana ay kaga taala meel gaar ah maadaama ay tahay markii ugu horeysey oo lagu dhawaaqo Dowaldda Puntland ee Soomaliyeed iyo weliba maamul goboleed Federaal ah oo u taagan midnimada dalka.
Ujeedooyinkii loo asaasey Puntland waxa la oran karaan maanta si fiican ayay dhabaheeda u haysaa hadii aynu eegno horumarka ay ku talaabsatey iyo kaalinta ay ka qaadatay in dalka KMG-nimada looga saaro.
1998 markii la asaasey oo madax looga dhigey Allaha u naxariistee Col.Cabdilaahi Yuusuf Axmed waxay dowladiisu ka soo bilwdey waxba ,xarumihiisa dowladda ayaa la dhisey ,ciidan ayaa la qorey ,dakhliga dalka ayaa la qoondeeyey waxana taageero iyo taakulo la weydiistey hayadaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka.
Intaasi oo dhan kama marneyn taageerada iyo baahida dadweynaha ku dhaqan Puntland ay ku qabeen nabad ,xasilooni iyo in maamul la helo kala danbeyntii iyo nidaamkii dowaldnimo ee lumey soo celiya.
Idaacada Radio Garowe ayaa barnaamij gaar ah ka diyararisay Puntland 2010-kii oo dib ugu jaleecday asaaskii iyo dhabadii loo maray dhismaha Dowladda Puntland..
Puntland waxa la oran karaa 14 sanno kadib waxay u rumowdey riyadii ay ku taameysey waxana ay joogtaa boos aan lagu xasdi karin oo aan ku iman dheel dheel iyo barqo sookac balse uu dhiig iyo dhiba loo marey sidii loo adkeyn lahaa midnimada iyo isku duubnida dadkeeda iyo dalkeeda.
Dareenka farxdeed ee loo qabo bilowga August2012 ayaa dadweynaha Puntland ay ka simanyihiin ,waxaana tan iyo asaaskii soo marey saddex maamul oo mid kasta dheef iyo dhaliil ba lahaa balse qaan-gaarka dowaldda Puntland ayaa laga simanyahay xuskeeda maadaama 15 jirku gu'u mooyee garaad u harin.
Shabakada Garowe Online akhristayaasheeda hadii Eebe idmo waxay ka hagab tiri doontaa sawirada iyo wararka ku saabsan xaflada sanadguurada Puntland oo Garowe ka dhici doonta.
Halkan ka dhageyso Barnaamijka Asaaska Puntland ee diyaarisay RG
http://www.garoweonline.com/artman2/...Puntland.shtml