Xisbiga KULMIYE: 35425 Cod (Shan iyo Soddon kun afar boqol iyo 25 Cod Weli cododka la tiriyey)
Xisbiga UCID: 26275 Cod ( Lix iyo labaatan Kun, Laba boqol iyo Shan iyo labaatan, weli inta la tiriyey Gobolka Hargeysa. Cod)
Xisbiga UDUB: 26122 ( Lix iyo labaatan kun, Boqol iyo 22 Cod weli inta la tiriyey Gobolka Hargeysa)
Sidaasi waxaa ii xaqiijiyey Seddex Wakiil oo ka tirsan Seddexda Xisbi Qarran ee KULMIYE, UCID iyo UDUB oo ku sugna Xarunta Koomiishanka Doorashooyinka Qarranka ee magaalada Hargeysa oo wakhtigani aan ku suganahay
Sidoo kale waxaan goor dhawayd oo abaaro 9:00 Fiidnimo ahayd aan booqday Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo iyadu ahayd mid la ciirciiraysa Musharaxiin iyo dadweyne aad u badan oo naawilaayey Natiijada Cododka la tiriyey ee Xisbigooda iyo Musharaxiintooda, Waxaanan weydiyey Hawl wadeen ku mashquulsana Computerada ay cododku ku soo dhaceeyeen Musharaxiinta ay aadka u rajaynayaan inay ku soo baxaan Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE wuxuuna ii tiriyey Magacyadani
1-Axmed Weyne (Sacad Muuse, Reer Samatar)
2-Ismaciil Mahdi (Sacad Muuse Reer Gadiid)
3-Maxamed Xaaji Maxamoud Cumar Xaashi (Sacad Muuse, Reer Axmed)
4-C/Casiis Maxamed Samaale (Sacad Muuse, Cabdalla Abokor)
5-Ibraahim Kacaan (Sacad Muuse, Jibriil Abokor, Reer Younis)
6-Dr. Kijandhe (Arab)
7- Dr Maxamed Diriye -Nac-Nac (Arab)
8-Maxamoud Jaamac Warfa Wadka (Toljecle)
9-C/laahi Balaki ( Sacad Muuse, Jibriil Abokor, Reer dalal)
Sida wararka iga soo gaadhaya hadda Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera ay ii xaqiijinayaan waxaa Cododka la tiriyey Hogaanka u haya oo hogaaminaya Xisbiga UCID, Waxaa ku xiga Xisbiga KULMIYE iyo UDUB.
Sidoo kale Wararka hadda iga soo gaadhaya Gobolka Togdheer ayaa ii xaqiijinaya in Xisbiga KULMIYE uu hogaanka ku wado cododka la tiriyey tiro dhan 30,000 oo cod, halka Xisbiga UCID uu kaalinta labaad ku jiro.
Gobolka Awdal ayaa la ii sheegaya in si weyn uu ugu horeeyo Xisbiga UDUB, oo aqlabiyadda ugu weyna ku guulaysan doono Gobolkaasi.
Sidoo kale Gobolka Sanaag ayaa la ii sheegaya in Xisbiga KULMIYE uu Codod badan ku hogaaminayo marka loo eego labada Xisbi ee Kale.
Gobolka Hargeysa ayaa sidaan horaba idiinku soo sheegay inta cododka la tiriyey waxaa 8000 oo cod ku hogaaminaaya Xisbiga KULMIYE.
Wixii warar ah ee soo kordha Miridh miridh ayaan idiinla socodsiinaya ee la socda aniga oo caawa oo dhan isku dayaya inaan la xidhiidho xarumaha Seddexda Xisbi iyo weliba Xarunta Koomiishanka Doorashooyinka Qarranka Sidoo kale waxaan Telephone ka gacanta kula xidhiidhaya hadda Gobolada oo dhan oo aan doonaayo inaan sida ugu dhakhsaha badanleh idiinku soo gudbiyo Cododka la tiriyey Natiijadooda.
Kulmiye Kulmiye Kulmiye
