It takes time, things from italy arrive too late but the news is true.
Qalabkan ayaa la sheegay in xadigiisu dhan yahay in lagu hubeeyo tiro kun askari ah oo dowlada u diyaarinayso in howlaglada qaask ah ay fuliyaan talyaaniga ayaa sheegay in ciidanka soomaalida ee la wareegaya ay yihiin kuwa tababaran oo si gaar ah loo soo xulay kuwaa oo dhisan aqlaaq ahaan kana madaxbanaan dhibatada dalka ka jirta waxaana ay toos u hoostagyaan DF Somalia
Sida ay qortay wakaalada wararka u faafisa dalka Italy ee “ANSA” doowlada Talyaaniga ayaa qalab milatari oo u badan gawaadhida Gaashaaman ugu deeqday doowlada Federaalka Soomaaliya. ANSA ayaa qortay in Qalabkaan Milatari ay ku jiraan Gawaarida Gaashaaman, kuwa lagu daabulo Ciidamada, waxaa sidoo kale kujira Muraayadaha Habeenkii wax lagu arko, kuwaas oo loogu talagalay in Ciidanka Soomaaliyeed ay habeenkii meelaha mugdiga ah, waxaana Qalabkaas lagu magacaabaa “night vision goggles” Marakab ay ka buuxaan qalabkan military ayaa kasoo shiraacday dalka talyaniga halkaas oo ay ku soo sagootiyeen saraakiil ciidan kuwaa oo sheegay in ay tahay qaybta 1aad oo ay ugu talagaleen dib u dhiska ciidamada miltariga Soomaaliya si ay u yeeshaan awood ay uga hortagaan kooxda alshabaab ee ka tirsan al-Qaida.
Qalabkaan Milatari oo ay doowlada Talyaaniga ugu deeqday doowlada Soomaaliya, ayaa sida la sheegay waxaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo Ciidamo gaaraya ilaa 1,000 Askari kuwaasoo dhawaan tababar gooni ah loogu soo gaba gabeeyay Muqdisho, waxana Ciidamadaan loogu talagalay ineey sugaan amniga guud ahaan magalada Muqdisho.
Markbabkan ayaa waxaa uu tagayaa magaalada Muqdisho 1da luuliyo xiligaa oo ku beegan maalinka xoriyada gobolada koofureed oo ay talyaaniga ka baxeen Somalia iyadoo aanan la ogeen sababta ay ugu beegeen.
Tan iyo markii QM ay qaaday cunaqabatayenta hubka ee saarneyd Soomaaliya, ayaa waxay doowlada ku dadaaleeysay sidii ay u hubeyn lahayd Ciidamada qalabka sida, waxaana jira doowlado dhowr ah oo doowlada u ballan qaaday qalab milatari iyo hub. Waxaa xusid mudan in doowlada Jabuuti ay dhawaan doowlada ugu deeqday Qalab Milatari oo u badna Gawaari dagaal iyo kuwo lagu daabulo Ciidamada. Dawlada Masarna ay sidoo kale usoo dirtay wafdi gaashidhiga wadankaasi, kasocda, halka dawlada qadarna ay 4million oo doolar ugu deeqday dib udhiska military-ga Soomaaliya, Eritaria ayaa lasheegay in iyana ay kaalin kaqaadanayso qalabaynta askarta Soomaalida.