counter attack dismentles 17 al shabaab sleeping cells

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

counter attack dismentles 17 al shabaab sleeping cells

Post by sahal80 »

Apparently the govt has been battling for control of the capital after al shabaabs last month advances.

In a cabinet especial meeting between the pm, the interior, army commanders, banaadir region officials- they unanimosly agreed on regaining lost ground in the last week. The interior minister has revealed that 17 al shabaab sleeper cells have been put to an end

One wonders why the intelligence hasn't installed this strategy before like they say al wiqaaya khairun min al cilaaj( protection is better than cure) aren't they are responsible for the last shake up? Why the immediate action now? They should have been killed stright away not to get arrested but hey Xamar is full of opportunism.


Muqdisho, August 12, 2013—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa caawa kulan la qaatay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Cabdullaahi Ebyan Nuur, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Axmad Xasan, Wasiir kuxigeeno, Taliyeyaasha Ciidanka iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana kulankan oo soconayay muddo ku dhow 5 saacadood lagu gorfeeyey sugida amniga caasimadda iyo  horumaro laga gaaray xaqiijintiisa.

Kulankan ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdikariin waxaana uu sheegay in kulankan gebi ahaanba looga arrinsanayay sugida amaanka dalka, iyo howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ciidanka amnigu sameeyeen kuwaasoo laga gaaray horumaro dhanka la dagaalanka kooxaha nabadiidka iyo weliba unugyo isku xiran oo ku howlanaa qal qal gelinta amniga shacabka.

“Caawa waxaa halkan ka dhacay kulan aad u muhiim ah oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaana si qotadheer looga hadlay waxqabadka hay’addaha amniga ee dalka, gaar ahaana Muqdisho, waxaana si aad ah looga dooday qorshaha sugida amniga iyo xasilinta, dood dheer kadib waxaa la isla qiray in Asbuucii ugu dambeeyey la sugay amniga magaalada, waxaana hay’addaha amniga iyaga oo is kaashanaya ay Asbuucii la soo dhaafay burburiyeen, gacantana ku soo dhigeen 17 unug oo ka mid ahaa kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab” ayuu yiri wasiirka Arrimaha gudaha oo xusay in unugyadan oo ka kooban halkii unugba inta u dhaxeysa 11 illaa 3 xubnood gacanta lagu soo dhigay iyaga oo ku howlan falal ay ku maja xaabinayaan amniga magaalada kuna dhibaateynayaan dadweynaha.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in warbixino cad cad ay hay’addaha amnigu ka soo gudbiyeen kooxahan nabadiidka ah, si loo cirib tiro kuwa weli dhuumaaleysiga ku jira. Waxaana uu sheegay in degmooyinka howlgaladan laga fuliyay ay ka mid yihiin Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley, Xamarweyne, Xamarjajab, Shibis, Bakaaro, Heliwaa, Dayniile iyo Wadajir isaga oo tirada guud ee kooxahan qaswadayaasha ee gacanta lagu dhigay ay dhanyihiin 39 xubnood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa sidoo kale xusay inay jiraan howlo ballaaran oo weli ay ku guda jiraan hay’addaha amniga kuwaasoo ay dhidibada ugu siibayaan unugyada kooxahan nabad diidka ah ee shacabka dhibaateeya.

“Runtii waa guul bilow ah, waxaana rajeynayaa in la xaqiijin doono amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waana waajib na saaran in kooxahaas qaswayaasha ah aanu shacabka ka badbaadino” ayuu yiri Wasiirka oo dhanka kale shacabka ugu baaqay inay gacan ka geystaan ka hortaga iyo la dagaalanka kooxahan qaswadayaasha ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay Wasiirada iyo saraakiisha amniga ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo is daba jooga ah oo uu la qaadanayay todobaadyadii ugu dambeeyey hay’addaha amniga kuwaasoo uu kula xisaabtamayay xaqiijinta amniga iyo xasilinta.

—Dhamaad—-

 
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: counter attack dismentles 17 al shabaab sleeping cells

Post by HooBariiska »

alshashbab are not sleeping sxb they are wide awake waa in hawl weyn laga qabto
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21186
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: counter attack dismentles 17 al shabaab sleeping cells

Post by sahal80 »

HooBariiska wrote:alshashbab are not sleeping sxb they are wide awake waa in hawl weyn laga qabto
Wa akhu al jahaalati fil jahli yancamu!

Sleepings cells=al khalaaya al naaima=secret agents that are operating in the society. sleeping here means secret. atleast I'm cosmopolitan though my english is rubbish.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”