Ciidamada Booliska Somaliland ayaa howl galo baaritaano ka wada wadooyinka magaalada Hargeysa iyo guryo ku dhow dhow Madaxtooyada iyo xarumaha wasaaradaha, iyadoo howl galkan uu yahay mid ka duwan kuwii hore.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada booliska Somaliland ayaa heegan la geliyay, kadib markii la helay warar sheegaya qatar xaga ammaanka iyo dad la sheegay inay cadaw ku yihiin Somaliland inay soo galeen Hargeysa.
Taliyaha Booliska Somaliland Jen, C/llaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in howl galada socda ay yihiin kuwo ammaanka lagu xaqiijinayay, isla markaana aanay jirin wax dheeraad ah oo soo kordhay.
"Howl galada waa kuwii caadiga ahaa ee Booliska wadeen, ammaanka ayaa kaliya lagu xaqiijiya, wax saa'id ah oo soo kordha ma jiro, baaritaankana waa soconayaa"ayuu yiri Taliyaha Booliska Somaliland oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, isagoo ka gaabsaday inuu faah faahiyo sababta ka dambeysa baaritaanada iyo howl galada socda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in howl galada ay ka qeyb qaadanayeen ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano RRU, kuwaasoo inta badan fuliya howl galada qorsheysan, dadweynaha reer Somaliland ay aad uga cabsadaan.
Howl galada ayaa ahaa kuwo gaadiidka lagu baarayay, waxaa jiray howl galo gaar ah oo laga sameeyay Guryo u dhowaa Xarunta Madaxtooyada Hargeysa oo uu hoy u ah Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.
Somaliland ayaa waxaa ka dhacay dhamaadkii sanadkii 2008 weeraro Argagixiso oo ahaa kuwii u horeeyay, markii weeraro is qarxin ah lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada, Xaruntii UNDP iyo Xafiiskii Itoobiya.
Muslimiinta oo qaadi ka taagan ciidamada RRU al murtaddeen
Moderator: Moderators
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 31 Replies
- 3685 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 680 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 338 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 1655 Views
-
Last post by ahmed_gurey
-
- 40 Replies
- 5282 Views
-
Last post by Looyaan_Junior
-
- 8 Replies
- 1025 Views
-
Last post by AhmedBoqor
-
- 0 Replies
- 336 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 2 Replies
- 504 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 4 Replies
- 642 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 0 Replies
- 566 Views
-
Last post by ina aadan