REFORESTATION PROJECT IN PUNTLAND
Posted: Wed Aug 14, 2013 2:10 pm
http://radiomuqdisho.net/ururka-hrro-oo ... ara-badan/Ururka (HRRO) oo Soo Bandhigay Dhir aad u Fara Badan “SAWIRRO”
Published on August 12, 2013 by Cilmi Waare · No Comments · 3,893 views
Ururka homboboro Relief & Rehabilitation organization (HRRO) ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay dhir aad u fara badan oo isugu jirto qaybo kala duwan, taasoo loogu tala galay inay bulshada ka faa’iidaystaan.
Mashruucaan dhirta lagu soo bandhigay laguna qeybinayay ayaa lagu magacaabaa Sahan-saha Project, waana wajigii ugu horeeyay oo dhir qeybin sidaan oo kale oo looga fuliyo Gaalkacyo.
Homboboro waxaa ay dhirtaasi ku wareejisay ururka wadaniga ah ee Halgan oo ka dhisan deegaanka Garacad oo hoostagta degmada Jariiban ee gobolka Mudug.
Munaasabaddii dhirtan lagu wareejinayay waxaa ka soo qeyb galay Isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo duurjoogta,gudoomiyaha gobolka Mudug, mas’uuliyiintaasi oo ammaanay barnaamijkani kuna tilmaamay mid u fiican deegaanka.
Barnaamijka Sahan-saha waxaa maalgalisa wasaaradda arrimaha dibadda Finland oo dhaqaalaha soo marsiisa daladda ururada Salida Finland (Finish Somali Network), waxaana fuliyay Homboboro oo kaashanaysa ururka Puntland Community Ry ee Finland.
Barnaamijka Sahan ayaa ka socda degmooyinka Gaalkacyo,cadaado iyo Buuhoodle, waxaana la qorshaynayaa in dhireyn baaxad leh laga sameeyo deegaanadaasi.
Mashruucaan ayaa sanadkiiba soo saaraya dhir gaareysa 30, 000 (sodon kun) oo geed.
Degmada Jariiban ayaa qaadatay 1500 oo geed, waxaana la doonayaa in deegaankaasi lagu beero, iyadoo la gaarsiinayo illaa xeebta ku teedsan degmada Jariiban.
Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadlay mashruucan ayaa ka hadlay faa’iidada mashruucani uu ugu fadhiyo dalka iyo dadka.