Puntland Minister Of Health Speaks Of The Magnitude Of MSF

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Puntland Minister Of Health Speaks Of The Magnitude Of MSF

Post by oxymoron »

Puntland Minister Of Health Speaks Of The Magnitude Of MSF Pullout Of Somalia.

Garowe: Puntland oo walaac ka muujisay Go’aankii MSF


Garowe: (pp)- Dowladda puntland ayaa war murtiyeed ka soo saartay Hay’adda MSF & ka bixida PL, gaar ahaan qaybteeda holland oo ka hawl galeysay gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada oo uu wasiirka Caafimaadka PL u aqriyay saxaafadda ayaa lagu sheegay inay dalka soomaaliya gaar ahaan Puntland ay dhaawac ku tahay ka bxista hay’adda taasoo aay ku tiirsanaayeen CIspitalka weyn ee Gaalkacyo,Burtinle & Meelo kale,iyadoo Hay’adu ay xirrir weyn oo wada shaqayneed la lahayd PL

Image

Wasiirka Caafimaadka puntland Dr Cali C/laahi warsame ayaa sheegay in ka bixida hay,adda ay dhawac culus ku tahay puntland iyadoo ujeeddada ka dambeysayna ay aheyd tacaddiyo loogu geystay koofurta soomaaliya Shaqaalaha hay’adda sida Dilalka Afduubka & jajuubka ,taasina aysan iyagu qusayn maaddaama ayan xiriir toos ah la lahayn dowladda dhexe ee soomaaliya,wuxuuna sheegay iney ka tacsiyeynayaan Dhibaatooyinkaasi loo geystay hay’ada isagoo intaa Raaciyay ineyan hore ugu soo war gelin dowladdu tanina ay lama filaan ku noqotay .

Dr Cali C/laahi Warsame ayaa sheegay in Cuspitalka Gaalkacyo lagu dawaynayay bishiiba 30,000 (Soddon kun) , kuwaas oo ka kala imaanayay dhammaan gobollada dalka & killilka shanaad ee Ethiopia,isagoo dheegay in tiro ka badan 300 oo hooyo lagu umulin jiray bishiiba isla markaana ahaa xarunta ugu weyn ee lagu quudiyo dhallaanka ay nafaqa darrida hayso,waxaana sidoo kale lagu dawaynayay 222 Qof kuwaasoo qaba cudurka Qaaxada, bukaankaas oo uu wasiirku walaac ka muujiyay hakadka ku imanaya Daawadii ay qaadan jireen .

Cuspitalka oo ay dowladdu gacanta ku hayso ayuu wasiirku sheegay inuusan u dayacmi doonin ka bixista hay’adda oo ay shaqadiisuna halkii ka sii socon doonto,laakiin uu jiri doono dhaawac weyn oo soo Gaara dadka ku Tiirsanaa adeegyadii ay bixineysay hay’adda MSF,

Wasiirka ayaa ugu dambayn raja ka muujiyay iney hay’adda MSF il naxariis leh ku eegi doonto bulshadii ay u adeegeysay dibna Hawlaheeda u billaabi doonto,balse waxa uu ka Codsaday in hawl wadeennada soomaalida ah iney shaqadooda sii wataan tan & inta ay dowladdu ka dejineyso qorshe kale oo ay ku dhaqaajiyaan hawshii ka socotay Cuspitalka guud magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan deegaannada puntland .

C/xamiid Salaad Barre
puntlandpst, Garowe, Puntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”