Hawiye elders secure Sheikh Xassan's release
Posted: Mon Aug 19, 2013 10:10 am
Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu heer gaba gabo maraayo, qorshaha ay Dowladda ku dooneyso inay dib ugu sii deyso Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ku heyb ah Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa wuxuu sheegay in hal habeen kahor ay kulan ku wada yeesheen agagaaraha Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, kulankaasi ayuu sheegay in looga hadlaayay, sidii dib xoriyadiisa loogu siin lahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Nabadoonka ayaa wuxuu kaloo sheegay in kulankaasi uu bilow u ahaa, kulan kale oo ay Khamiista soo socoto ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo gaba gabeynaayo sii deysmada Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu wada hadalo la furi doono Dowladda Soomaaliya, iyadoo ay wada hadalaasi qeyb ka yihiin sida uu hadalka u dhigay Caalamka.
Axmed Diiriye Cali ayaa wuxuu rajo wanaagsan uu ka muujinayaa in muddo toddobaad gudahood ah lagu soo sii deyn doono Sheekh Xasan Daahir Aweys, isla-markaana ay taasi soo dhaweynayaan sida uu sheegay.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ka goystay Xoogaga Al Shabaab, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr), oo ah Amiirka Al Shabaab.
http://www.markacadey.net/news/71737/na ... naayo.html