
Maamulka Gobolka Banaadir oo Amni Darrida ka jirta Muqdisho ku eedeeyay Rag ka madaxbanaan Al Shabaab
Published on August 19, 2013 ·
Muqdisho(Sh M Network)—Guddoomiyah Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa uu ka hadlay in Amni Darrida ka jirto Magaalada Muqdisho ay lug leeyihiin Rag ka madaxbanaan Xarakada Al Shabaab isagoo tusaale u soo qaatay Qaraxyada lala eegtay Tabeelooyinka Soolarka ah isla markaana ku shaqeeyay Cadceeda ee ku yaala Magaalada Muqdisho waxuuna tilmaamay in Dadka Shacabka ah ay garab siiyaan Laamaha amaanka ee ka howlgala Gobolka Banaadir.
Sikastaba ha ahaatee Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmd Nuur Tarsan ahna Duqa Magalada Muqdisho ayaa waxa uu imaanayaa xili Muddooyinkii u dambeeyay uu ka dhacayay Magaalaada Muqdisho kulamo gooni gooni ah kaa oo looga hadlayay wax ka qabashada amaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.