The fact that the Ethiopians are eager to continue talks is an indication they don't want the conflict to continue especially with the Horn of Africa becoming less of a playground for them now. Remember ONLF did not make the first move to begin dialogue they have always been open to it in a neutral 3rd party state but Ethiopia was the first to budge on this one.
The talks are scheduled to start later next month.
RW Itoobiya Iyo Waftigaa dhex-dhexaadinta ONLF ka socday oo Kulmay! (Xog)
18 Agoosto 2013
(Ogadentoday Press)- Gudiga dhex-dhexaadinayay Jabhadda ONLF Iyo Dowladda Federalka ah ee Itoobiya ayaa ku sugnaa muddo 3 maalmood ah, sidaas waxaa u sheegay OTP illo lagu kalsoon yahay.
Dowladda Itoobiya ayaa ka dalbatay Kenya inay soo gaadhaan Gudiga wadda haddalka ONLF waxaana arrintaas u xaqiijiyay Ogadentoday Press illo siyaasadeed.
Gudiggan waxay kullan khaas la qaateen Raysul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Deselam, Madaxda Wasaarada Arimaha Dibada, Wasaarasada Gaandhaanshiga waxaana wararka hordhaca sheegayaan in is afgarad wanaagsan ku soo dhamaaday.
Dhanka Kalle, IGAD ayaa wakiil u magacowday arrimahan dhex-galla, waana jira dadaallo caalami ah oo wadda haddalkan ka qayb qaadanaya.
Waraysi Warbaahinta OTP la yeelatay Safiirkii horre ee USA u joogay Addis Ababa ayuu u xaqiijiyay in Dowladda Maraykanku taageri wadda hadal dhex mara ONLF Iyo Itoobiya balse ay ka qayb qaadan wadda haddalka haddi labbada dhan rabaan.
Go,aanka Jabhadda ONLF ayaa hadda la sugayaa Iyadoo Dowladda Itoobiya lahayd inay Gudiga Kenya ku casuunto Addis Ababa si ay ooga helaan xog heerka ONLF ka taagan tahay wadda hadalkan.
Ukala dabqaadkii Ethiopia iyo ONLF oo dardar cusub galay(xog)
August 17, 2013 // admin1 // News
Dhanaan Media waxay horay u tabisay inuu jiro dedaal ku aadan in dib loo furo wadahadalo dhexmara Dowlada dhexe ee Ethiopia iyo ururka ONLF.Dhanaan Media oo dedaaladan si hoose ula socotay ayaa waxaan jeclaysanay inaan shacabka iyo akhristayaashaba la wadaagno xog dhab ah oo ku saabsan halka hada wax marayaan.
Waxaa dhowaan magaalada Nairobi ka ambabaxay xubno u xilsaaran ukala dabqaadida labada dhinac oo aan magacyadooda hayno balse sababa jira dartood aanu ka gaabsanay inaan magacyadooda shaacino.
Wafdigan ama xubnahan ayaa tagay magaalada Addis Ababa iyagoo kulamo kala duwan la yeeshay wasaarada gaashaandhiga iyo xafiiska Raysulwasaaraha.Wafdigan ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamud Cumar.
Kulamadan ayaa waxay kusoo idlaadeen isafgarad iyadoo Dhanaan Media ay heshay qaar kamida qodobadii kulamadaas lagu soo qaaday balse anagoo ilaalinayna amaanada ilahaanaga khaaska ah aanu go’aansanay inaan ka gaabsano.
Wafdigan u xilsaaran ukala dabqaadka labada dhinac ayaa la filayaa in dhowaan la kulmi doona madaxda Jabahada iyagoo la wadaagi doona waxyaabihii ay kala soo kulmayn Addis Ababa.
Dhanaan Media waxay ogtahay in dedaaladani ay ka duwanyihiin kuwii hore labda dhinacna ay aad isag dhawyihiin sidii hore iyadoo waxyaabo badan oo caqabad ahaa hada laga gudbay.
Dhanaan Media oo si hoose ula socota dedaaladan ayaa kolba wixii soo baxa idiin balbalqin doonta ee la soco Dhanaan Media.