
Wadahadalkii Adis Abeba ee Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federaalka ayaa heshiis laga gaarey inkastoo aan wali si rasmi ah aan loo saxiixin oo howsshu socoto wali,Wadahadalka maanta ayaa ahaa mid aad u adag Qodobo dhowrana la isku Qabtey.
Waxaa lagu heshiiyey
1 dowlada Federaalku waxay si buuxda u aqoonsatay Jubaland
2- In la badalo magaca hada la isticmaalo ee dowlada Jubaland (Jubaland State of Somalia) kasoo lagu badalayo Maamulka Jubaland, (jubaland Administration) oo ka koobaanaya sadexda Gobolba.
3-Dowlada dhexe waxay talo ku yeelanaysaaa Dhamaystirka Maamulka Jubaland iyadoo la raacayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya
Qodobada kale ee lagu heshiiyey kuma jiraan wax xasaasi ah oo isbadel ku keeni kara nidaamka ay hada u socdaan shaqada jubaland, maadaama jubaland ay awalba ogolaayeen doorka Dowlada dhexe, sida Dastuuriga ah.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa soo jeediyey in la badalo Madaxweyne Xigeenka Jubaland iyadoo lagu badalayo Cabdi shire oo ah Bare hiiraale Adeerkiis waxaase arintaas kasoo horjeestey Ergada Jubaland, aakhirkiina way ka tanaasuleen Qolada Villa Soomaaliya arintaas.
Waxaa kaloo lagu heshiiyey in Dowlada Federaalku ay talo ku yeelato Shaqooyinka haray ee lagusoo dhaameystirayo maamulka Jubaland iyaadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka ah.
qodobkaan ayaa Qoloba si u doonayeen, Villa Soomaaliya waxay doonayeen in laga dhigo sidaan “Dowlada Federaalku waxay talo ku yeelanaysaa Dhismaaha Maamulak Jubaland iyo geedi socodkaaba” Ergaada Jubaland way diideen sida loo qorayo qodobkaas waxaynaa soo jeediyeen in laga dhigo “Dowlada dhexe waxay talo ku yeelanaysaaa Dhamaystirka Maamulkaa Jubaland iyadoo la raacayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya”. sidas dambe ayaana la qaatey.
Waxaa Heshiiska Goob joog ahaa IGAD iyo Ergo ka socota UNSOM oo Qaramada Midoobey ah, waxaana hada dhiman oo kaliya in la jeexo jidkii la raaci lahaa sidii loo hirgalinlahaa qodobadaan.
Isku soo duuboo Dowlada Federaalku waxay Aqoonsatey Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo ku Xigeenkiisa Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Farataag iyo Waliba xukuumada ay soo dhisayaan.
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xigeenka Maamulka Jubaaland Cabdullaahi Farataag waxay beri u kicitimayaan Jigjiga oo ay Casumaad rasmi ah ay ka heleen Madaxweyne Cabdi Maxaamed Cumar.
Faahfaahinta guud ee warkaan naga filo goor dhow
Puntlandi.com
Adis Abeba
http://puntlandi.com/war-deg-deg-ah-wad ... bo-dhowra/







another win for the house 


