No one is safe for Hutu Barbarians, just nuke the city!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

No one is safe for Hutu Barbarians, just nuke the city!

Post by AhlulbaytSoldier »

Kooxo hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dilay Gudoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed ee Degmada Dharkeenley

Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir guddoomiyihii Olombikada ee degmada Dharkeynley, Amiin Cali Muumin.

Marxuumka aya lagu toogtay shalay gellinkii dambe illinka hore ee gurigiisa oo ku yaalla degmadaas, waxaana toogashadiisa ka dambeeyay sida ay u sheegeen warbaahinta dad goobjoogayaal ah laba wiil oo bastoolato watay.

“Amiin waxaa lagu toogtay gurigiisa hortiisa isagoo ka yimid ciyaaro ka socday garoonka degmadaas, waxaana afar ka mid ah rasaasta uga dhaceen madaxa, isbitaalka Madiina ayuuna ku geeriyooday,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dharkeynley Macallin Cabdulle Cali Hilowle oo ka war-bixinayay dilka marxuumka.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeysay dilka mas’uulkan ayaa haddana waxay mas’uuliyiinta dowladdu ku eedeeyeen dilkaas Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho kusoo kordhayay falal ammaan-darro ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan, iyadoo toddobaadkii hore lagu dilay caasimadda howlwadeen ka tirsan Raadiyo Muqdisho iyo ruux Somali-Swedish ah, halka la dhaawacay haweeney ay isku xisbi ka tirsanaayeen oo la socotay.

Xilli ay ammaan-darradan jirto ayaa waxay mas’uuliyiinta amnigu mar walba sheegayaan inay fashiliyeen weerarro waxyeello lagu geysan lahaa, iyadoo la isweydiinayo sababaha soo kordhiyay ammaan-darrada magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.


AUN

HUTU Barbarism still continues :meles:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”