Taleex(Puntlandi.com):- Waxaa daqiiqado ka hor magaalada Taleex ee gobolka Sool gaaray wafdi uu hogaaminayo Madexweyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire oo saaka ka ambabaxay magaalada Garowe ee Caasimada puntland.
Wafdiga Madexweyne ku xigeenka ayaa waxaa magaaladaasi Taleex si diiran ugu soo dhaweeyay Odayaasha dhaqanka, Siyiyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee magaalada, waxaana durba bilowday kulamo wafdiga madexweyne ku xigeenku ay la yeelanayaan qaybaha bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinnta magaalada Taleex.
Magaalada Taleex waxay in mudo ah xarun u ahayd maamulkii Khaatumo ee deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn looga dhawaaqay, waxaase la saadaalinayaa in socdaalka wafdigani uu salka ku hayso arrimo badan oo dhinaca siyaasada ah.
www.puntlandi.com
Daawo Sawirrada:-












