Powerful Clan from Bay & Bakool withdraws support for Govt
Posted: Thu Aug 29, 2013 3:06 pm
BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE OO KALSOONIDII KALA LAABTAY DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA +DHAGEYSO WAREYSIGA
Published on August 29, 2013 by Maalik Som · 17 Comments
Baydhabo (Sh M Network)—Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Maanta sheegay in ay kalsoonida kala laabteen Dowladda Federaalka Soomaaliya uguna baaqeen Xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda Beelahaasi in 24 saac gudahood ah ay ku yimaadaan Magaalada Baydhabo iyadoo Arrintan ay timid maanta kadib markii kulan ballaaran ay ku yeesheen Malaaqyada. Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelahaasi Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Afhayeenka Beelaha Digil iyo Mirifle Malaaq Cali C/raxmaan Cali Shiino oo wareysi Gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho kulanka kadib ayaa sheegay in Kulankoodii maanta ay ku cambaareeyeen Shirkii Shalay ku soo dhamaaday Magaalada Addis Ababa una dhexeeyay DFS iyo Axmed Madoobe go’aanadii ka soo baxayna uu ku tilmaamay mid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay Dhulkii Digil iyo Mirifle.
Malaaq Cali Shiino waxa uu sheegay qodobadii ka soo baxay Shirkooda maanta ay ka mid yihiin inay kalsoonidii kala laabteen DFS, in Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Beelahaasi ay yimaadaan magaalada Baydhabo iyo inaysan imaan Karin Xubnaha kale ee Dowladda Federaalka Gobolada Baay iyo Bakool isagoo intaasi ku daray in Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beelahaasi ee aan imaan Baydhabo ay la mid yihiin Xubnaha kale ee Dowladda ee loo diiday inay tagaan Gobolada Baay iyo Bakool.
Afhayeenka Beelaha Bay iyo Bakool waxa uu sheegay in sababta ugu weyn Shirkaas ay u qabteen inay tahay kadib markii dhawaan uu Madaxweynaha Puntland uu ka dhawaajiyay in Kalsoonidii uu kala laabtay DFS uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku maslaxeeyay Dhulkii Digil iyo Mirifle C/raxmaan Faroole waa sida uu hadalka u dhigay isagoo ugu dambeyntii sheegay in maalinta Jimcaha ah ay dhigi doonaan Banaanbaxyo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.