
^^^Faroole got this nigga stressing, He hasn't been getting any sleep since Puntland said fuck off.
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay wadahadallo la furto maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo dhaweeyay heshiiskii ay dowladdu kula saxiixatay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya maamulkii hore ee Jubbooyinka, isagoo xusay inay qayb ka tahay horumarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dib u heshiisiinta.
"Waxaan aad uga xunnahay hadalkii kasoo yeeray mas'uuliyiinta Puntland qaar ka mid ah, iyadoo la xusuuto in Puntland ay saldhig u ahayd tiirarkii lagu soo dhisay dowladda hadda jirta; kuna bixiyeen dadaal badan iyo maal, mana garan karo sababta hadalkaas ka keentay; balse waxaa socda qorshe aan ku doonayno inaan wadahadal kula furmo is arrinta keentay hadalkaas aan meesha uga saarno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu Somalia ay horay u muujisay sida ay raalliga uga tahay maamulkaas iyadoo halkaas ay isugu tageen madaxda dowladda, wuxuuse hadalka kasoo baxay ku tilmaamay mid aad looga xumaado.
“Bani’aadamn ayaan nahay waana macaamilaynaa haddii uu khalad dhaco waa laga wadahadli karaa waana la is-fahmi karaan, innaguna waxaan ku dadaalaynaa sidii aan uga daweyn lahayn waxyaabaha keenay in Puntland ay ku dhawaaqdo inay xiriirka u jartay dowladda,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiis.
Puntland ayaa toddobaadyo ka hor ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Somalia oo uu ku eedeeyay arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay wax ka badalka dastuurka dalka, iyadoo war kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland lagu sheegay in illaa cabashadooda la xalliyo aysan wax wada-shaqeyn ah la yeelanayn dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Iyadoo la xusuusto in madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole uu shalay sheegay inay dowladda dhexe ee Soomaaliya kasoo horjeeddo hirgelinta nidaamka federaaliisimka ayaa madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrintaas wuxuu sheegay in dowladdu ay raalli ka tahay in federaalkiisimka lagu baahiyo dalka oo dhan, wararka sheegaya in dowladdu ay ka soo horjeedana ay yihiin kuwo been ah oo la doonayo in shacabka jah-wareer lagu geliyo, isagoo xusay in dadka hadalladaas sheegaya looga baahan inay rayi'gooda caddeeyaan.
Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay heshiiskii magaalada Addis Ababa lagu gaaray Arbacadii lasoo dhaafay ayaa sheegay inuu yahay mid lagu xallinayo mashaakilaadka ka taagan Jubbooyinka, wuxuuna xusay in shirar dib u heshiisiin ah oo lagu dhameystirayo heshiiskaas ay ka kala dhici doonaan Muqdisho iyo Kismaayo.
Madaxweynaha oo ka hadlayay heshiiskii Addis Abaha ayaa yiri: "Heshiiskaas wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid; iyadoo dowladdu wax badan ka tanasushay maamulkuna wuxuu ka tanaasulay wax badan oo uu jeclaan lahaa. Heshiiskaas wa billow ah wuuna sii socon doonaa inta laga dhameystirayo; dowladduna waxay diyaar u tahay inay ka hor-tagto wax kasta oo keenaya colaad kusoo laabata deegannadaas."
Heshiiska ay dowladda iyo maamulkii Jubbooyinka ku gaareen magaalada Addis Ababa ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ahaa in la sameeyo maamul KMG ah oo muddo laba sano ah ka taliyanaya deegaannadaas, kaasoo uu hoggaamin doono Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
http://www.hiiraan.com/news/2013/Aug/wa ... -33129.htm







earn respect kulaha, war keep the xamar presidency 4 forever
number 2
he was Degraded.