Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka furay Muqdisho shirweynaha Qaran ee geeddi socodka siyaasada dalka iyo higsiga sanadka 2016-ka, waxaana ka qeyb galaya ergo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadiisa.
Furitaanka shirweynaha oo socon doona muddo illaa lixda bishan September ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano, wasiirro, ergooyinka isaga kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, dublamaasiyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha Qaran ayaa u mahad-celiyay ergooyinka Soomaaliyeed ee meelaha fog-fog uga yimid ka qayb-galka shir-weynaha Qaran ee looga hadlayo geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya.
“Waxaan rajeynaynaa in sannadka soo socda uu noqdo mid ka wax-qabad wanaagsan sannadkii ay jirtay dowlada Soomaaliya. shacabkuna ay xor u yihiin fikirkooda, loona baahan yahay in loo madax-bannaaneeyo oo aan la caburin,” ayuu madaxweynuhu ku yiri hadalkiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu soo maray marxalado kala duwan, meesha maanta la joogana ay tahay mid laga sii socon karo, lagana soo gudbay marxaladii adkaa oo uu dalka soo maray.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay horay shirar kala duwan ugu soo qabatay magaalada Muqdisho , kuwaasoo ay ka mid yihiin shirki garsoorka iyo dib u habeynta waxbarashada, shirar kalana ay qaban doonto. Isagoo xusay in shir-weynahan uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadda dalka.
