Breaking News: Xasan Culusow is in Marka

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Casanova25
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2778
Joined: Wed Jul 17, 2013 7:25 pm
Location: **********************

Breaking News: Xasan Culusow is in Marka

Post by Casanova25 »

DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safar dhulka ah ku gaaray magaalada Marka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi culus oo uu hogaaminaayay ayaa gaaray magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose, iyaga oo dhulka maray.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xubnaha la socda ayaa waxaa ka mid ah wasiirada Gaashaandhiga iyo sidoo kale Arimaha gudaha, waxaana safarkaan uu ahaa mid lama filaan ah.

Amaanka guud ee magaalada Marka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid aad iyo aad loo adkeeyay, waxaana magaalada oo dhan gaaf wareegaaya ciidamo badan oo dowladda ka mid ah.

Gudoomiyaha magaalada Marka ee dowladda Soomaaliya Maxamd Cismaan Yariisoow ayaa u sheegay saxaafadda in madaxweynaha ay aad usoo dhaweeyeen shacab badan oo reer Marko ah, amaanka aad loo sugaayo.

Dhanka kale mid ka mid ah gaadiidkii galbinaayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu rogmaday, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Shilkaasi faah faahin dheeraad ah lagama haayo, hase ahaatee gaariga rogmaday ayaa ahaa sida la sheegay mid dagaal oo u gaar ahaa taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.
http://balcad.com/deg-deg-madaxweyne-xa ... ada-marka/

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”