Former PM Geedi Condemns Bogus National Conference In Xamar

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Former PM Geedi Condemns Bogus National Conference In Xamar

Post by oxymoron »

Former Prime Minister Prof. Cali Maxamed Geeddi Calls Mogadishu National Conference Bogus, And Not Inclusive At All
Image

R/Wasaarihii hore ee dalka oo sheegay in Shirka Muqdisho loo dhameyn
Image

Prof. Cali Maxamed Geeddi Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa dhaliilay shirka Muqdisho ka furmay ee looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya iyo sidii sanadka 2016 dalka uga dhici laheyd doorasho isagoo sheegay in shirkaasi aanu aheyn mid loo dhan yahay.

Wuxuu Prof. Cali Maxamed Geeddi ku eedeeyay Dowladda SOmalia in shirkaasi ay dad gaar ah oo ku aragti ah ka qeybgelisay, dadkii loo baahnaana aysan meesha keenin.

"Shir aan dadkii loo baahnaa laga soo qayb gelin waaba yaabee siduu ku noqonaa shir dib u heshiisin Qaran, dadka meesha isugu yimid dad is dagaalsan oo colaad isu qaba maahan, waa dad asxaab ah oo isku hadaf ah ayaa loo wacday"ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Cali Maxamed Geeddi wuxuu tilmaamay in shirka Muqdisho ee Dowwladda qaban qaabisay looga baahnaa iney isugu yeerto dadkii la rabay ee dib u heshiisiinta dhex mari laheyd, hase ahaatee buu yiri dadka meesha la isugu keenay ay yihiin kuwo asxaab ah oo isku fikir ah.

Dhinaca kale wuxuu baaq u jeediyay qurba joogta dibadaha ka yimaada, isagoo ugu baaqay in aysan dalka imaan xiligan maadaama buu yiri uu dalku amaan aheyn.

"Dadka dibadaha ka yimaada waxaa ugu baaqayaa in aysan dalka isku imaan, waayo ammaan ma ahan, shirarkan dadka lagu mashquulinayo aanay ku kadsoomin"ayuu yiri Cali Geeddi oo intaa ku daray in ciidamada iyo saraakiisha ay mushaar la'yihiin, howshii amaanka u gabeen.

Shirka Muqdisho ka furmay ayaa waxaa la sheegayaa ineysan ka dhex muuqan Siyaasiyiin caan ah oo Dowladda siyaasadeeda dhaliilsan, waxaana ka dhex muuqdo Odayaal dhaqameed iyo shaqsiyaad kale oo Dowladda taageersan.

Maamulka Puntland ayaa shirka qaadacay ka qeybgalkiisa, oo ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, waxaa sidoo kale shirka ka qeybgelin ergooyin kale oo laga filayay iney ka dhex muuqdaan.

http://www.calanka.com/?nid=22697
SecretAgent
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4824
Joined: Wed Jan 09, 2013 4:58 pm
Location: east south west north

Re: Former PM Geedi Condemns Bogus National Conference In Xa

Post by SecretAgent »

He's not even abgaal anymore he sold his himself to mjs lool
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”