Published on September 4, 2013 by Maalik Som · 14 Comments
Muqdisho (Sh M Network)—Magaalada Muqdisho ayaa Caawa waxaa laga maqlay Qaraxyo iyo Madaafiic kala duwan oo inta badan lagu qaaday Xarumo ay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Madaafic ayaa ku hoobatay Xarunta Xalane oo ah Fariisinta ugu weyn ee Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Sidoo kale Dhowr Qarax ayaa Laga Maqlay meelo ay ka mid yihiin waddooyinka Makka Al Mukarra, Wadada u dhexeysa KM4 iyo Garoonka Adan Cade ee Magaalada Muqdisho iyo weliba qeybo ka tirsan Degmada Wada Jir ee Gobolka Banaadir.
Xilliga oo habeen ah ayaa waxaan la ogeyn khasaaraha ay geysteen Qaraxyada iyo Madaafiicda Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Bombs and mortar attacks heard in many districts of Mogadishu.
All culusoow can do is swim in Marka Cadeey
