
Rag hubeysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa xalay magaalada Baydhabo ku dilay mid ka mid malaaqyada sida weyn looga yaqaanno gobolka Baay.
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay Malaaq Yuusuf Cali Sheekh afaafka hore ee gurigiisa, waxaana u suurtagashay inay baxsadaan markii ay dilka geysteen kaddib.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan howlgal lagu raad joogo dambiilayaasha dilka geystay,waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada Booliiska magaalada Baydhabo ay wadaan howlgal amni sugid ah.
Taliyaha ciidanka madaniga ee magaalada Baydhabo Isaaq Mariixaamow ayaa dilka Malaaq Yuusuf ku eedeeyay Al-Shabaab oo uu sheegay inay caadaysatay dhibaataynta shacabka.
Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay aad uga xumaadeen dilka Malaaq Yuusuf.
Malaaqa ayaa saaka waxaa lagu aasaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay oo xalay kooxo hubaysan ay ku toogteen.