
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu si kulul uga hadlay amni xumada kusii kordheysay Caasimada Muqdisho.
Waxa uu sheegay inay dhowr jeer hore uu ku baaqay laamaha Amniga shaqo xumo jirto awgeedna sheegay inay Shacabka isku tashadaan oo Amaankooda xaqiijiyaan.
Cali Geedi ayaa kula taliyey Madaxweynaha Soomaaliya inuu xilka ka qaado mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Amniga qaabilsan hadii uu sidaasi sameyn waayana xafiiskiisana kula kulmi doono weeraro isaga lala beegsado,Mar Hadii talada Wax garadka Uusan qadanayn Sida Uu Sheegay cali maxamed Geedi.
Magaalada Muqdisho Ayaa Qaraxyada Ka Dhacaya Waxay yahiin Kuwo Inta Badan Kudhufo Iska Ah waxana Inta Ugu badan Dhibaato kasoo garta Dadka Shacabka Ee Iyaga Hubaysnayn.
http://marqaannews.com/2013/09/08/war-c ... aka-qaado/

