Madaxwaynaha Dowlada Puntland oo ka qayb galay shirka ka hortaga burcad badeedka ee Dubai [Sawiro]
Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa magalada Dubai xarunta dalka isku taga imaaraadka carabta inuu ku fursho shir wayne looga hadlayo falalka burcad badeedka iyo sidii loo kala xog qaadan lahaa,waxana ka qayb galaya madaxda Puntland,DFS iyo madax kale oo daneeya arrimaha burcad badeeda.
Wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud ayaa ku sugan magalada Dubai, waxayna ka qayb galayaan shirka burcad badeedka looga hadlayo oo ay soo agaasintay dowlada UAE,madaxwaye Farole socdaalkiisa waxaa ku weheliya wasiirada,arrimaha gudaha,dekadaha iyo gaadiidka badda ,Caafimaadka iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyadda Puntland.
Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad ayaa lagu wadaa shirka oo labo maalmood soconaya inuu ka jeediyo khudbad si faah faahsan uga hadlaysa xaalada dalka iyo sidii loola dagaalamay kooxda burcad badeedka ah,macdamaa Puntland ay ka mid tahay goobaha ay sida aadka kooxdaasi weerarka ugu soo qaaday,sidoo kale Farole ayaa ka war bixinaya doorka ay Puntland ka qaadatay la-dagalanka burcad badeedka iyo wada shaqaynta tooska ah ee ka dhaxaysa ciidanka badda Puntland iyo kuwo NATO ka socda ee ku sugan xeebaha Somalia.
Shirka ayaa lagu wadaa dhamaadkiisa inuu kasoo baxa go'aamo sanadkaan burcad badeedka lagula dagaalamo.waxana diirada la saarayaa sidii loo xoojin lahaa iska kaashiga dhismaha awood ka hortagaysa kooxdaasi oo awoodii ay la haayeen wiiqantay.
Puntland ayaa dhankeeda xoojisay in dhulka lagala dagaalamo kooxda burcad badeedka ah,waxayna iyadoo arrintaasi laga duulayo ay hirgalisay ciidanka badda oo habeen iyo maalin u taagan ilaalinta xeebaha Puntland iyo la-dagalanka burcad badeedka,sidoo kale dhalinyarada kusii jeeda burcad badeedka ayaa loo furay fursado kale oo ay kaga maarmaan falalka foosha xun ee ay kooxdaasi ku kacdo.
Sidoo kale madaxwaynaha Somalia oo qayb ka ah shirka ayaa war bixin kasoo jeedinayo uu kaga hadlayo sida ay Somalia diyaar ugu tahay in burcad badeedka naga sifeeyo deegana ay wali ku harsan yihiin.
Sawiro


