Hargaysa: Culimada Koonfurta Soomaaliya, Puntland iyo Somali

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Individual
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 866
Joined: Sat Feb 09, 2013 4:38 pm

Hargaysa: Culimada Koonfurta Soomaaliya, Puntland iyo Somali

Post by Individual »

Pages
About/Mission
Contact Us
Radio
Somali Links
Search in site...
Friday, September 20th, 2013 | Posted by pi Gr3
Hargaysa: Culimada Koonfurta Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland oo looqabtay Shir looga hadlayay wacyi galinta Qaaxada (TB-da)

Image
Shirka Wacyigalinta Cudurka Qaaxada ee Culimada Soomaaliya


Kulan kusaabsan wacyi galinta , baraarujinta iyo toosinta bulshada ee cudurka Qaaxada(TB-da) loona qabtay culimaa u diinka Koonfura Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland ayaa shalay kusoo xirmay magaalada Hargaysa ee Somaliland.
Kulankan oo uu maal galiyay Global Fund ayna fududaynaysay hay’adda World Vision waxaa diiradda lagu saarayay in culimada ay doorkooda ka qaataan wacyi galinta iyo wax u sheegga bulshada ee cudurka Qaaxada (TB-da). (Sawirada Hoos ka Daawo}
Dhaqaatiir aqoon durugsan u leh cudurka Qaaxada oo ka yimid qaybaha dalka ayaa culimada siinayay casharo kusaabsan Qaaxada, sida lagu kala qaado, sida looga hortago iyo sida lagu daaweeyo.
Muhimadda shirkani waxay ahayd in culimadu ay ka qayb qaataan, wacyi galinta qaaxada ee bulshada ayagoo adeegsanaya cilmiga diiniga ah ee ay leeyihiin.
Arimaha looga doodayay shirkan waxaa kamid ahaa, sidee culimadu bulshada uga bararujin karaan Qaaxada, maxay diintu ka tiri ka hortagga iyo iska dawaynta cudurada halista ah ee faafa ee ay qaaxadu kamid tahay.
Kadib casharadii lasiiyay culimada waxay xuseen in doorkoodii uu bannaan yahay , laga bilaabo waqtigan la joogana ay bulshada ka baraarujin doonaan cudurada faafa oo dhan gaar ahaan qaaxada .
Arimaha kale ee shirkan diiradda lagu saarayay waxaa kamid ahaa fariimaha qaaxada oo la barayay culimada iyo sida ugu habboon ee ay fariimaha ugu gudbin karaan bulshada.
Wasaaradda caafimaadka Somaliland qaybteeda xakamaynta qaaxada ayaa kulankan furtay culimadana ka codsatay inay laba jibbaaraan wacyi galinta cudurka qaaxada.
Qaaxada ayaa ah cudur aad u sahlan oo dawo leh , haddii daawadiisa siday tahay loo qaato oo aan la kala jar jarin.
Fariimaha Ugu waa wayn ee la isla gartay in bulshada loo sheego waxaa kamid ahaa:-
1. Qaaxada waxaa keena jeermi ee ma keento jug kugu dhacday ama doog.
2. Qaaxadu waa xanuun sahlan haddii daawada sida ay tahay loo qaato.
3. Hakala goyn ama ha sag saagin qaadashada daawada, ee si quman u dhamayso sadka daawada..
4. Haddii aad leedahay qufac soo noq noqonaya muddo 3 asbuuc ah, si dhaqso ah u tag xarumaha qaaxada .
5. Daawada Qaaxada waa lacag la’aan , baaristuna waa lacag la’aan.
6. Daawada Qaaxada (TB-da) ka qaado xarumaha qaaxada .
7. Daawada laga helo xarumaha qaaxada waa mid tayayadeeda la ilaaliyay.
8. Ka qayb qaado xakaymaynta qaaxada, kana bad baadi qaaxada qoyskaaga.
9. Marka aad hindhisayso ama qufacayso ka jeeso dadka , ama ku dabool afkaaga masar , ama maro.
10. Haddii dad badani kujiraan hal maqsin ama qol, waa inay furaan daaqadaha si jeermisku uusan u saamayn dad badan.
11. Hala furo daaqadaha masaajidda xilliyada salaadaha , gaarahaan jimcadaha oo dad badan masaajidda ku tukadaan.
Shirkan ku saabsanaa wacyigalinta cudurka qaaxada ee loo qabtey culimaa u diinka Soomaaliya waxa uu kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan, mashruuca qaaxada ee Soomaaliya waxa uu ka mid yahay mashaariicda dhanka caafimaadka ee ugu waa weyn ee dalka ka socda iyadoo dhamaan Soomaaliya ay ka furan yihiin in ka badan 60 xarumood oo lagu baaro laguna daaweeyo cudurka qaaxada (TB).
Waxaa nasoo gaarsiiyey
C/qaadir Warsame Yuusuf
Hargaysa


Image
Image
Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”