Barasaabkii Gobolka Shabellaha Hoose oo loo maleynayo inuu Yurub iska dhiibay
Warar ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la waayay jabaqdiisa loo maleynayo inuu iska dhiibay Yurub, kadib markii uu ka soo laaban waayay magaalada Brussels ee dalka Belgium.
C/qaadir Siidii ayaa ka mid ahaa wafdigii dowladda Soomaaliya ee Gudoomiyaasha Gobolada ee ka qeyb galay shirkii Brussels ee New Deal, kaasoo Soomaaliya loogu yaboohay lacag ku dhow labo bilyan.
Wararka ayaa sheegaya in C/qaadir Siidii aanu dalka dib ugu soo laaban, isla markaana ka soo haray wafuudii ka qeyb gashay shirkii Brussels ee maalmo kadib markii shirka dhamaaday dalka dib ugu soo laabtay.
Ilo wareedyo ku dhow dhow C/qaadir Siidii ayaa Jowhar.com u sheegay in Gudoomiyaha jabaqdiisa la waayay tan iyo markii uu soo dhamaaday shirkii Brussels, isla markaana loo maleeynayo inuu gooyay, waxaana ay intaa ku dareen in dad uu saaxib la ahaa uu kala soo hadlay Jarmalka.
C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sanadkii 2007-dii loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo tan iyo xilligaas uu hayay jagadaas, Gobolka ayaa waxaa horay uga dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeyay labo beelood iyo khilaaf soo kala dhex galay Mas'uuliyiinta Gobolka.
Mudooyinkii u dambeeyay ayay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha ay qorsheyneysay inay Maamul u sameyso Gobolka, kadib markii ay xalisay xiisado u dhaxeeyay beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan shabellaha Hoose.
Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya, oo isugu jiray Wasiiro, xildhibaano, diblomaasiyiin, Maamulada gobolada dalka iyo ururada bulshada ayaa 16-kii bishan ka qeyb galay shirkii New Deal ee ka dhacay magaalada Brussels.
LOL socalled" Sh/Hoose Governor" flees to Germany
Moderator: Moderators
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: LOL socalled" Sh/Hoose Governor" flees to Germany
Looooool caadi maha. Bufis is a bitch.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 665 Views
-
Last post by Kees70
-
- 2 Replies
- 810 Views
-
Last post by Kees70
-
- 4 Replies
- 648 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 17 Replies
- 6858 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 7 Replies
- 1500 Views
-
Last post by TarTar
-
- 0 Replies
- 638 Views
-
Last post by TarTar
-
- 0 Replies
- 639 Views
-
Last post by TarTar
-
- 4 Replies
- 990 Views
-
Last post by noer
-
- 0 Replies
- 914 Views
-
Last post by fagash_killer
