1yr since Saacid and Cabinet came into power. Achievements?

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

BuuloXubeey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1122
Joined: Sat Sep 07, 2013 12:18 pm

1yr since Saacid and Cabinet came into power. Achievements?

Post by BuuloXubeey »

I must say. I'm really proud of Saacid and his cabinet. They remind me of the success of Farmaajo and his cabinet. Afcourse I can smell the legacy of Farmaajo when Saacid appointed 3 ministers from Farmaajo's cabinet. I cannot wait for the next 3 years of his work. Hopefully we will see huge difference in Somalia. May Allah bless the Federal Government of Somalia :dj:
Ra’iisul wasaare Saacid 6-dii bishii October ee sannadkii hore.

Baab’inta nidaamkii 4.5 ee lagu soo dhisi jiray xukuumadahihii hore.

Ka qaybgalinta haweenka maamulka dalka oo markii ugu horreysay haweenku ay heleen Ra’iisul wasaare ku xigeen iyo gudoomiyaha Bangiga dhexe
Soo celinta xiriirkii Soomaaliya ay la lahayd caalamka oo si wayn loogu guulaystay.

Dib u hawlgalinta bangigii dhexe ee dalka oo haatan si rasmi ah u shaqeeynaya
Hirgalinta barnaamijka loogu magic daray “Dugsiyada aada” oo la doonayo in hal milyan oo caruur ah ay helaan waxbarasho lacag la’aan kaasoo laga hirhaliyay dhammaanba gobollada.

Dhisitaanka guddiyo qaran oo la tacaala arrimaha ammaanka, tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo waliba gudi kale oo loo saaray baaritaanka dilalka suxufiyiinta.

Muqdisho oo loo soo wareejiyay inta badan shirarkii Soomaalida bannaanka loogu qaban jiray iyadoo ay ka dhaceen ( Shirweynihii dib u habaynta hay’adaha garsoorka, Shirweynihii wadatashiga bulshada Soomaaliyeed iyo Shirweynihii culumida Soomaaliyeed ee ku aadanaa la dagaallanka xagjirnimida).

Dib u heshiisiinta ayaa kaalin muuqata dawladani ka qaadatay iyadoo sii adkaysay wadahadalladii Somaliland, waxaana guul ku dhammaaday arrimihii Jubbaland iyadoo la filayo bishan October bilowgeeda gogol nabadeed in loo fidiyo dadka nool gobolladaasi.

Diyaarinta shuruucdii dhisitaanka hay’adaha kala duwan ee dalka, kuwaasoo intooda badan ay baarlamaanku meelmariyeen.
Xakamaynta khilaafaadka soo dhex gala madaxda qaranka, si dalka looga badbaadiyo inuu dib ugu laabto ismariwaa siyaasadeed taasoo horseeday wadashaqayn aan horay loo arag oo dhexmarta hogaamiyayaasha qaranka.

Dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya (Civil Aviation) iyo u hawlgalida dic u furida shirkadii duulimaadyada ee Somali Airlines.
Great achievements :up:

http://hiiraan.com/news/2013/Oct/warark ... -33556.htm
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”