Musharax Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke oo Maanta Gaalkacyo Siwayan loogu soo dhaweeyay (Sawiro).
Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lugu soo dhaweeyay Musharaxa Madaxwaynaha Dawlada Puntland Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke , iyadoona soo dhawayntiisii ay ka qayabgaleen qaybaha Bulashada rayidkaa & waxgaradka Gobolka Mudug.
Musharaxa ayaa kasoo laabtay socdaal uu Mudooyinkii ugu danbeeyay ku joogay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya Halkaas oo uu u tagay arimo la xiriira Olalaha doorashadiisa, waxaana uu sheegay in maanta uu aad ugu faraxsanyahay kusoo laabashadiisa Puntland.
Soo dhawayntii ka dib ayaa Musharaxa waxaa loo galbiyay aqalka uu ka daganyahay Magaalada Gaalkacyo, iyadoona Halkaas uu Saxaafada war kusiiyay sheeegayna in uu Safaro shaqo ku tagi doono Degmooyin iyo Gobolo ka tirsan Puntland oo ay ugu Horeeyaan Boosaaso, Garoowe, Galdogob, Taleex & Buuhoodle, isagoona sheegay in uu dadka Puntland ee Goobahaas ku nool uu kala soo hadli doono arimo ku aadan Doorashadiisa waxaana sheegay socdaalkiisu in uu yahay mid ka madax banaan Balanqaadyo lugu helo Xilka Madaxtinimada ee Puntland.
Musharaxa ayaa sheegay in uu isimada Puntland u mahad celinayo kalinta ay ka qaadanayaan Nabada Dalka isagoona sidoo kale Sheegay in uu dhinaca Kale Madaxwayanaha Dawlada Puntland Cabdiraxmaan Sh Maxamed uu ugu baaqayo in Dawlada Federaalka ah wada hadal lala furo.
Ugu danbayntii waxa uu dadka Puntland ugu baaqay inay Nabada Baxnaaniyaan isagoona sheegay in markasta ay waajibtahay ilaalinta Nabda Puntland
DAAWO SAWIRADA
http://puntlandi.com/mashurax-maxamuud- ... ysosawiro/