
Hargeysa(Ramaas) Okt.11, 2013-Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa dalka Dib ugu soo laabtay kadib markii uu in muddo ku maqnaa dalka dibadiis oo uu deganaa tan iyo markii uu xilka wareejiyey saddex sano ka hor.
Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ka soo dagay Madaarka Hargeysa isagoo la socday duulimaadkii Jubba ee ka soo kicitintay Dalka Jabuuti,Daahir Rayaale Kaahin waxa ku wehelinaysay safarkan Marwadiisa Hudda Barkhad Aadan.
Daahir Rayaale Kaahin waxa uu hore dhawr jeer ugu soo laabtay Hargeysa hase yeeshee tan iyo intii uu Xilka wareejiyay waxa uu ka gaabsaday ka hadalka arrimaha siyaasadda gaar ahaana Naqdiga dhaliilaha Xukuumadda talada haysa.
Dhinaca kale xukuumadda ayaan wax soo dhawayn ah iyo maamuus toona aan ku qaabilin ku soo guryo noqoshada madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo lagu tilmaamo Aabihii asasay dimuqraadiyada iyo nidaamka xisbiayda badan ee ay ... aliba ka soo raacay tagaasida ay dadka shacabka ahi ka soo raacaan madaarka,ayadoo anuu walib wax maamuusa kala kulmin wasaarada warfaafinta.
Daahir Rayaale Kaahin safarkiisii ugu danbeeyay waxa uu dalka ka tagay iyadoo khilaaf wayni dhex yaalay siyaasiyiintii ay isku bahda ku ahaayeen UDUB, hase yeeshee waxa uu dhagaha ka furaystay in uu badbaadiyo, waxaanu go’aankiisii sababay in xisbigii uu hogaamiyaha ka ahaa burburo.
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ma ... KmXKw.dpuf




