Ugas of Rer Hassan: I welcome Jubba Conference in Luuq, Gedo

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

BuuloXubeey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1122
Joined: Sat Sep 07, 2013 12:18 pm

Ugas of Rer Hassan: I welcome Jubba Conference in Luuq, Gedo

Post by BuuloXubeey »

The Ugaas of Beesha Rer Xassan Gaalshirdle has welcomed Awliibaax's speech for Jubba Conference II to take place in Gedo after the Jubba Conference in Mogadishu. He specifically said he will order his own sub-clan to get the conference ready in the town of Luuq Ganaane.

Image
Ugaaska beesha Xasan Gaashireedle, Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaas Yarow oo maanta asaga oo ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiskii ay August 27, 2013 magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba, iyo shirarka dib u heshiisiineed ee dhawaan lagu baaqay in lagu kala qaban doono Muqdisho iyo gobolka Gedo.
“Waxaan taageerayaa in saddexda gobol ee Jubbooyinka iyo Gedo ay yeesheen maamul KMG ah oo ay ku mideysan yihiin, waxaana rajeynayaa in uu maamulkaasi noqdo kii guuleysta oo dadkiisa u horseeda nabad, cadaalad iyo horumar dhan walba leh,” ayuu yiri Ugaas Yarow.
Ugaaska ayaa sheegay in sida kaliya ee maanta looga gudbi karo ismari waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya mas’uuliyiinta gobolada Jubbooyinka iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya ay tahay in la tago shirka dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka ee ay dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya ku baaqday ee Muqdisho lagu qaban doono 21-ka Oktoobar ee sanadkaan.
“Bani’aadamka waxa uu wax ku qabsado ee uu isku raaco waxaa fure u ah oo ugu horeeya ismaqal iyo in laga wada hadlo wixii qilaaf ah ee jira, haddii taas la waayana dadku waxba kama duwanaanayaan xayawaanka oo qofba qofkii uu doono ayuu dhacayaa ama dilayaa, sidaas awgeed; anigu waxaan qabaa in inta meel la’iska dhigo nin tooxsiga iyo daba oradka danta gaarka ah in loo soo wada jeesto sidii si wada jir ah looga wada shaqeyn lahaa danta guud,” ayuu yiri ugaas Yarow.
Ugaaska oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa kale oo uu yiri “Sideedaba waxaa umadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ogaato in ay leeyihiin dowlad rasmi ah oo haba tabar yaraatee caalamka oo dhan laga aqoonsan yahay, taasoo ah mid umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba u dhaxeysa oo haddii uu isfahan waa dhaco loola noqonayo si cid waliba ay xaqeeda u hesho oo aanan la’isu dulmin, nabad gelyadana aanay faraha uga bixin. Sidaas awgeed, waxaan ugu baaqayaa intii uu quseeyo maamulka Jubba in ay aqbalaan oo ay tagaan shirka dib u heshiisiinta ee Oktoobar 21-keeda Muqdisho ka dhici doona.”
Ugaas Yarow ayaa waxaa kale oo sheegay inuu soo dhaweynayo baaqyada ka imaanaya mas’uuliyiinta sare ee gobolka Gedo ee la rabo in gogol dib u heshiisiineed la dhigo gobolka Gedo.
“Dadaalada ay bulshada caalamka iyo kuwa Soomaalida wadaan ee ah in maamul loo dhan yahay laga dhiso gobolada Jubbooyinka waxay suurta gali karaan oo kaliya marka ay dhacdo dib u heshiisiin dhab ah oo u dhaxeysa guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka, iyo gaar ahaan kuwa gobolka Gedo,” ayuu hadalkiisa ku daray ugaaska.
Ugu danbeyntii, ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaas Yarow oo si toos ah baaq ugu diraya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ayaa yiri “Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Samafalka waxaan ugu baaqayaa in ay gobolada Jubbooyinka wax kasoo gaarsiiyaan deeqaha faraha badan ee magaca Soomaaliya lagu soo qaado, si loogu hormariyo waxna looga qabto baahida faraha badan ee gobolada Jubbooyinka ka jirta ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ceelasha, wadooyinka, iyo guud ahaan xaaladaha qalafsan ee dhinaca noolasha ah ee arrimaha bulshada.”
:stylin:
SomaliDefenceCouncil
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1913
Joined: Sun Sep 08, 2013 7:09 am

Re: Ugas of Rer Hassan: I welcome Jubba Conference in Luuq,

Post by SomaliDefenceCouncil »

:stylin:
Nomand
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7584
Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men

Re: Ugas of Rer Hassan: I welcome Jubba Conference in Luuq,

Post by Nomand »

madoobe can barley hold kismaayo with 3,000 kikuyus. in gedo he has to many enemies. and since when was the usurper madoobe recognized as president of jubbaland.

however any jubbaland conference should be held in jubbaland and not in mogadishu.
User avatar
anzeloti
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3246
Joined: Sat Jul 20, 2013 1:23 pm
Location: Lagu xanto lagu xasuusto aa ka horeyso

Re: Ugas of Rer Hassan: I welcome Jubba Conference in Luuq,

Post by anzeloti »

:stylin:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”