Magaalada Hobyo oo la isku heysto
Ka dib markii uu Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid oo a weheliyaan Dad ajnabi ahi ay booqdeen Degmada Hobyo ayaa waxaa ka biya diideyMaamulka Ximin iyo Xeeb oo iyana dhinacooda sheegta gacan ku heynta iyo maamulka Magaalo xeebeeda Hobyo, tasoo dhalisey in Ximin iyo Xeeb ay ciidan soo dul dhoobaa Magaalada.
Cabdi Qaybdiid ayaa Dadweynaha Magaalada u sheegey inuu Magaalada ka dhisi doono Dekad weyn halka Ximin iyo Xeeb ay sheegeen iney Magaalada ay ka tirsan tahay Maamulkooda.
Isqabqabsigaan ayaa afka u saaran inuu Dagaal ka qarxo deegaanka xili ay baadiyaha Magaalada Dagaalo beleedyo horey dhowr jeer uga dhaceen kuwasoo dhaliyey dhimashada Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.
Horey ayaa sanadkii hore isqabqabsi noocaan ah yimid inkastoo aan Wax xal ah laga gaarin, wuxuuna buuqaan oo kale dhacaa badanaa markii Madaxda labada Maamul ay midkood soo booqdaan Magaalada, Maamulka kalena waxay bilaabaan caga jugleyn iyo Magaalada anagaa ka talina.
Puntlandi.com
Gaalkacyo
http://puntlandi.com/magaalada-hobyo-oo-la-isku-heysto/