dib u dhis aan caadi ahayn aa ka socda garoonka mogadishu
Posted: Sun Oct 20, 2013 11:05 am
Daawo Sawirada:Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo kabilaabatay Howl aan caadi ahayn dib Loogu dhisaayo Number of View :157Garoonka Dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlo isugu jira dib u dhis iyo casriyeyn ay wado shirkada FAVORI LLC oo ah shirkad Turki ah oo dhowaan lagu wareejiyey maamulka garoonkaas.Qeybo ka mid ah gudaha garoonka dayuuradaha ayaa waxa lagu arkayaa shaqaale dhisme oo burburinaya meelaha qaar si qaab kale loogu dhiso.Sidoo kale waxaa lagu arkayaa garoonka gaadiidka baaleyaasha loo yaqaano iyo kuwa iska rogeyaasha oo ka qeyb qaadanaya howlaha dib u dhiska ee garoonka ka bilowday.Dib u dhiska ka socda garoonka dayuuradaha Aadan cadde oo weli ku jira wejigiisa hore ayaan illaa hadda wax saameyn ah ku yeelan howlaha garoonka ka socda iyo duulimaadyada ku soo dega kana duula. - See more at: http://gaafo.com/265482/daawo-sawiradag ... wuKt9.dpuf








