TFG: We will defeat Alshabaab!!!!!
Posted: Mon Oct 21, 2013 8:27 am
Dowladda Soomaaliya oo ku hanjabtay in Al-Shabaab ay ka saareyso dalka oo dhan
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay qorshe Al-Shabaab looga saarayo Soomaaliya oo dhan, iyadoo hadalkan uu ku dhawaaqay Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.
C/xakiin Fiqi ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ku saabsan sidii Al-Shabaab uga xoreyn lahaayeen dalka oo dhan, isagoo tilmaamay in faro foodooda ay ku taagan yihiin.
"Waxaan wadnaa qorshe aan Al-Shabaab uga xoreyneyno dalka oo dhan, Gobolada Hiiraan, Sh/Hoose, Bay, Bakool ilaa Jubada Dhexe, qorshahaas si wanaagsan ayuu u bilaaban doonaa"ayuu yiri C/xakiin Fiqi.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay heyso dhaqaale la'aan, isla markaana maleeshiyaadka u dagaalama ay heyso mooraal la'aan.
"Al-Shabaab saraakiishooda iyaga is leynaya, maleeshiyaadkooda moraal ma hayaan, faro foodooda ayay ku taagan yihiin waana ka jareynaa"ayuu sii raaciyay hadalkiisa C/xakiin Fiqi.
Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyay markii shalay uu booqday magaalada Beledweyn oo Sabtidii weerar is qarxin ah ay Al-Shabaab ay ka geysteen, kaasoo ay dad badan ku dhinteen.
TFG still uttering the same threats since 2006: WE WILL DEFEAT ALSHABAAB!!!