KEYDKA SAWIRRADA
RADIO MOGADISHO
TARTANKA RAMADAANKA
TUBTA TOOSAN
WARARKA
XUSKA MAALMAHA XORIYADDA
XUSUUSTA RAADIYAHA
Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Xiritaanka Idaacadda Shabeelle “Dhageyso”
Published on October 27, 2013 by Mowliid · No Comments · 2,100 views
Wasiirka wasaarada warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa ka hadlay arrinta Idaacada Shabeelle oo shalay albaabada loo laabay.
Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta, Boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ayaa sheegay in wasaarada warfaafintu ay Laba jeer bilihii la soo dhaafay ay qoraal u geeyeen idaacada Shabeelle iney ka baxaan oo ay baneeyaan guriga dowlada.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in wasaaradu ka codsatay bilihii Sideedaad iyo Sagaalaad iney isdiiwaangeliso maadaama ay hoos timaado wasaarada warfaafinta, isagoo caddeeyay wasiirku in ay taana diideen.
“waxaan rabaa inaan caddeeyo iney tahay shabakad wasaarad ahaan aan ka codsanay laba Jeer bilihii la soo dhaafay Sideedaad iyo Sagaalaad qoraalna ugu geynay iney ka baxaan banneeyaan guriga dowlada, intaa waxaa ka horeysay in wasaaradu ka codsatay bishii 7 aad iney iska diiwaangeliso wasaarada warfaafinta si ay u hubiso isdiiwaangelinteeda wey diiday, kadib waxaan ka codsanay iney ka baxaan banneeyaan guriga Somali Airlines weyna diideen’’ Sidaasi waxaa yiri wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi.
Wasiirka waxa kaloo uu sheegay in dadka guryaha laga saarayo aysan aheyn Shabeelle oo kaliya, isagoo xusay in ilaa iyo Shan guri laga saaray dadkii deganaa hal gurina ay degantahay waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ay u qoreen warqad kadib markii laba mar ay dhamaatay muddadii loo qabtay iney uga baxdo Shabeelle guriga Somali Airlines.
“Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa’ideysto iney dadku fahmaan inuu soo afjarmay dagaalkii sokeeye in dowladu noqotay dowlad aan KMG aheyn oo taam ah, howlaheedii iyo mas’uuliyadeedii la soo noqotay, wax badanbaad iga maqasheen isbedelka dadku ha ogolaado’’ Ayuu yiri Cabdulaahi Ciilmooge Wasiirka.
Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in muddo sanad ah ay wasaaradu wadday in ay la shaqeeyaan una hogaansamaan shuruucda milkiilayaasha warbaabhinta iyo isgaarsiinta gaarka loo leeyahay.
Dhanka kale wasiirka ayaa ku wargeliyay iney isdiiwaangeliyaan dhamaan warbaahinta iyo isgaarsiinta nooceey doonto ha ahaato, baaxad walbana ha yeelatee iney is diiwaangeliyaan ugu dambeyn 10 Novembar ee sanadkan.
Wasiirka ayaa uga digay in ciddii ka dhega adeygta fulinta shuruucda wasaarada warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka laga qaadi doono talaabo Sharciga waafaqsan.
Shirka Jaraa’id ayaa wasiirku waxaa uu tacsi ugu diray qoyskii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud Timacade oo xalay ku geeeriyooday Cisbitalka Madina ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay dhaawaceen kooxo bistoolado ku hubeysnaa todobaadkii la soo dhaafay.
Wasiirka ayaa ka hadlay baahida loo qabo saxaafada Soomaaliyeed iyo wariyaasha loona baahanyahay aysan shaqadooda u hakin caqabadaha iyo dilalka uga imaanaya kooxaha nabad diidka ah, wuxuuna kula dardaarmay in ay joogteeyaan shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Halkan Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id Ee Wasiirka Warfaafinta
Readers Comments (0)
Name (required)
Email Address (required)
Website (optional)
Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.
WARARKA
Tarsan
Tarsan Oo Dadweynaha Ku Boorriyay Iney Bixiyaan Canshuurta Dowlada
Maamulka gobalka Banaadir ayaa ku boorriyey shacabka ku ...
wasiirka-arimaha-gudaha-466x350
Xildhibaanno Ku Sugan Dalka South AFrica Oo Qorsheynaya Iney Mas’uuliyiinta Dalkaasi Kala Hadlaan Dhibaatooyinka lagu Hayo Soomaalida
Wefdiga ka socda baarlamanka Soomaaliya ee ku sugan ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12
Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
3
Wariyaasha ku Dhaqan B/weyne iyo Boosaaso oo ka Tacsiyeey Geeridda Wariye Timacadde “Sawirro”
Kulan ay maanta isugu yimaadeen bahda saxaafada gobolka ...
IMG_8105
Soomaalidda oo Wacdaro Cajiib ah ka Dhigtay Bandhig Hiddo iyo Dhaqan ah Oo Lagu Qabtay Magaalada Cape Town “Sawirro”
Barnaamijkaan oo galay maalintii labaad ayaa waxaa lagu ...
astaanta-warka16
Dhageyso Warka Hebeenimo ee Radio Muqdisho
WAR HABEEN 27-10-2013
vlcsnap-2013-10-27-15h53m05s101
Safiirka Talyaaniga u Fadhiya Soomaaliya Iyo Madaxweyne Faroole oo Ka Warbixiyay Wayaabihii ay ka Wada Hadleen “Sawirro”
Safiirka dawladda Talyaaniga u qaabilsan wadanka Soomaaliya Andrea ...
P1010723
Qoysas ku Barakacay Roobab Ma Hiigaan ah oo ka Da’ay Degaanka Ceel-huur ee Gobolka Mudug “Sawirro”
Daadadkan ku soo rogmaday deegaanka Ceel-huur oo hoostaga ...
DSC06225 - Copy
Laba Beelood oo ku Dagaalay Deegaanka Deefow oo Maanta Heshiis Hordhac ah Lagu Kala Dhex Dhigay B/weyne “Sawirro”
Shirkan lagu heshiisiinayay labadan beelood oo ku dagaalamay ...
DSC01617
Wasirika Arrimaha Dibadda oo ka Qeyb Galeysa Shirka Golaha Ammaanka ee looga Hadlayo Kordhinta Ciidanka AMISOM iyo Qalabeynta Ciidanka XD Soomaaliya “Sawirro”
Ra'iisul wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo ...
tacsi
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Marxuum Timacadde
Inaa Lilaahi Wa In Ileyhi Raajicuun Agaasimaha Guud ee ...
DSCF3583
Xarun Cusub Oo uu Yeesho Maamulka Degmada Dharkeynley Oo Maanta La Furay”Sawirro:
Xarun cusub oo ay yeelato Maamulka dagmada Dharkeenley ...
DSC01979
Mudanayaasha Baarlamaanka Oo Maalintii Labaad Su’aallo Ka Weydiiyay Wasiirka Warfaafinta Heshiiska ay Dowladu la Gashay Shirkadda Favori “Sawirro”
Fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo ay xildhibaanadu ku ...
astaanta-warka16
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho
WAR DUHUR 27-10-2013
IMG_5022
Golaha Wasiirada oo ka dooday kordhinta Miisaaniyadda 2014-ka, ansixiyayna heshiis dhex maray Wasaaradda howlaha guud iyo shirkad Turki ah:- Warsaxaafadee”Sawirro”
Muqdisho, October 27, 2013----Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ...
photo
Guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliyeed ee dalka Austria Oo Ka Hadashay Xaaladda Dadka Soomaaliyeed ee Wadankaasi
Rowda Yuusuf Maxamuud oo ah Guddoomiyaha ururka Haweenka ...
download
Tartan Nadaafadeed oo u Dhaxeeya Xaafadaha Degmada Xamarweyne oo Maanta Bilowday
Boqolaal ruux oo isugu jira rag iyo haween ...
kkk
Allaha Unaxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Timacadde Oo Maanta Lagu Aasay Muqdisho
Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Maxamuud Timacade oo ...
DSC01795
Burcad Badeed Laga Siidaayey Xabsi Ku Yaala Magaalada Cadan Ee Dalka Yemen “Sawirro”
Iyadoo la fulinayo heshiiskii isafgarad ee dhexmaray labada ...
DSC01955
Akhriso:- Wasiirka Warfaafinta oo Warbaahinta Soomaalida ugu Baaqay in ay ugu Danbeyn 10ka November Isku Soo Diiwaan Galiyaan
DSC01953
Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Xiritaanka Idaacadda Shabeelle “Dhageyso”
Wasiirka wasaarada warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa ...
astaanta-warka1
Dhageyso Warka Subax
WARKA SUBAX 27.10.2013
Astaanta Galmudug
Maamulka Galmudug Oo Sheegay Inuu Soo Hagaagayo Ammaanka Deegaannada Uu Ka Arimiyo
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu soo hagaagayo ...
Astaanta-booliska-
Booliiska Degmada Dhuusmareeb Oo baadi Goobaya Gacan Ku Dhiigle Nin Ganacsade Ah Ku DIlay Deegaanka Gadoon
Ciidamada amaanka degmada Dhuusamareeb ayaa ku guda jira ...
tacsi 7
Allaha U Naxariistee Marxuum Amiin Sayid Axmed Oo Lagu Aasay Muqdisho
Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka iyo saraakiil ayaa ka ...
Astaanta_Barnaamijka_Nasashada
Dhageyso ama Daawo Barnaamijka Nasashada Todobaadka
Barnaamijka Nasashada Todobaadka waa Barnaamij Todobaadle ah waxaana ...
Astaanta-Bandhiga-Wareysiyada12-150x150
Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho
Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay ...
war-deg-deg-ah1-150x15011421154
Allaha u Naxariistee Wariye Timacadde ayaa Goor Dhow ku Geeriyooday Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajiciin Waxaa goor dhow ...
astaanta-warka16
Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho
WAR HABEEN 26-10-2013
DSCF3479
Daawo Sawirada:- Guddoomiyaha G/Banaadir oo Kulan Looga Hadlayay ammaanka iyo Nadaafadda la Qaatay Hay’adaha Ammaanka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banadir
Akhristayaasheena sharafta leh waxa aan halkani idinku soo ...
sawirka 3
Safiirka Talyaaniga u Qaabilsan Soomaaliya oo Garowe Kula Kulmay Madaxweynaha Puntland “Sawirro”
Wafdi ka socday dowladda talyaaniga oo uu hogaaminayey ...
DSC_1017
Xildhibaano ku Sugan Dalka Koonfur Afrika oo Kulan la Qaatay Urur u Ololeeya Arrimaha Soomaalida “Sawirro”
Xildhibaanadan oo gaaraya shan xildhibaan kana qeyb galaya ...
IMG_4948
Ra’iisul Wasaaraha oo Qaabilay ku Xigeenka Xoghayaha Guud, Kormeerna Ku Sameeyey Xafiiska Q.M:- War-saxaafadeed+Sawirro
Muqdisho, October 26, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ...
DSC01862
Mudaneyaasha Baarlamaanka Oo Wasiirka Warfaafinta Su’aallo Ka Weydiiyey Heshiiskii FAVORI “SAWIRRO”
Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan ...
TUBTA TOOSAN
TubtaToosan Logo
Aqoonta iyo Ahmiyadda uu siiyay Islaamku-DHAGEYSO
Noolaha oo dhan ayaa u baahan inuu wax ...
TubtaToosan Logo
Xurmada Maalmaha Ciidda-DHAGEYSO
Maalintii saddexaad ee Ciiddul-Adxaa ayay dadka Muslimiinta ahi ...
Shabaab
Si xun u adeegsiga Shareecada Islaamka ee Alshabaab
Maleeshiyada Alshabaab waxay sheegtaan in ay u dagaallamayaan ...
*
Shabelle are one of the pro- Alshabaab news agencies in Somalia. It was time to get ridd of them.
