Shirka Dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta inuu ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo qaban qaabada shirkan ay iminka socoto.
Ergooyinka ka qeyb galeysa shirkan ayaa gelinka hore ee saaka imaaneysa magaalada Muqdisho, waxaana ay badankood ay diyaarad ka soo qaadeysa magaalada Kismaayo.
Inkastoo la filayay in ergooyinka ka qeyb geli lahaa shirka inay soo wada xaroodaan ayaa waxay taas dib u dhigtay diyaaradihii ka keeni lahaa Kismaayo, waxaana shalay diyaaradaha ay soo qaaday wafdigii Madaxweynaha ee Kismaayo joogay labadii maalmood ee u dambeeyay.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb geli doona dowladda Soomaaliya, Ergooyin ka socda Jubooyinka Gedo, xubno ka socda Beesha Caalamka oo goob joog ka noqonaya shirkan gelinka dambe ee maanta furmaya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gelinkii dambe ka soo laabtay booqasho hal cisho ah oo uu ku tagay Kismaayo ayaa la filayaa inuu furo shirka gelinka dambe ee maanta dhacaya.
Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku soo wajahan magaalada Muqdisho si uu shirkan uga qeyb galo.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka deegaanada Jubooyinka, isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku furmayo.
"Shirkan sida ugu dhaqsiyaha badan ayuu ku furmi doonaa, waxaa fileynaa in dhamaan ay soo gaaraan Muqdisho ergooyinka, shirkan wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay dadka deegaanada Jubooyinka, ujeedada waxay tahay in maamulada la dhiso, oo dhamaan dadka deegaanka iska dhex arkaan"ayuu yiri Eng. Yariisow.
Ajandaha oo qodobo badan ka kooban ayaa la filayaa in marka dhinacyada isku raacaan dib u heshiisiin la soo saaro khariirad ku saabsan dhismaha maamulka Jubba iyo dhameystirkiisa mudada labada sano ee soo socota.
Shirkan dib u heshiisiinta ayaa looga tashan doonaa aayaha deegaanada Jubooyinka, dib u heshiisiin iyo maamul loo dhan yahay, si meesha ay uga baxdo mushkilada ah looma dhamo.
Heshiiskii Addis Ababa ee bishii Agosto lagu saxiixay ayaa qeyb ka mid ah dhigayay in shir dib u heshiisiin lagu qabto magaalada Muqdisho.
The peace conference between the tribes of Jubba is today
Moderator: Moderators
- Somali-Transporter
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4064
- Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
- Location: ******
- Contact:
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: The peace conference between the tribes of Jubba is toda
Shirka Beesha Kuwait wa kolke?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 379 Views
-
Last post by garoweboy
-
- 1 Replies
- 669 Views
-
Last post by Kees70
-
- 5 Replies
- 773 Views
-
Last post by anzeloti
-
- 0 Replies
- 8 Views
-
Last post by Sheikh Mustafa
-
- 49 Replies
- 3576 Views
-
Last post by Murax
-
- 3 Replies
- 593 Views
-
Last post by anzeloti
-
- 7 Replies
- 686 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 2 Replies
- 753 Views
-
Last post by BuuloXubeey
-
- 1 Replies
- 1653 Views
-
Last post by MarsinQorahay
-
- 7 Replies
- 956 Views
-
Last post by Gabre