after that he blamed it on Abdikariin guuled and the gov't...


its farooles lowest point.. the man is hurt and mentally out of it..
Moderator: Moderators
Somali-Transporter wrote:Jaamac “Faroole madax-xanuunkii uu ka qaaday booqashadii madaxweynaha ee Kismaayo ayuu kala dul-dhacay culimo muxaadaro akhrinayey”
Ciidamo taabacsan maamul goboleedka Puntland ayaa weerar ku qaaday goob ay muxaadaro ku akhrinayeen culumaaúdiin uu horkacayey waddaad lagu magacaabo Shiikh Cabdiweli oo ka mid ah culumaaúdiinka ugu caansan magaalada Gaalkacyo.
Weerarkan oo ka dhacay tuulada Godad ayaa waxaa ku dhintay ina la ogyahay 5 qofood, waxaana ciidamada Puntland ay horay u sii kaxeysteenn qaar ka mid ah ilaaladii Shiikha & culumaaúdiin, iyadoo dhowr baabuur oo tikniko ah, kana yimid dhinaca Puntland ay weerarkaasi geystay, waxaana wararka ka imaanaya Godad ay sheegayaan in dhinaca culimada aaney u diyaargaroobin dagaal, waxaana la socday Shiikha hal gaari oo tikniko ah, iyadoo Shiikhu uu diiday in ciidamadii la socday ay xabbado ridaan.
Odayaal Puntland ka soo jeeda ayaa weerarkaasi cambaareeyey, kuna tilmaamay inuu ahaa weerar wuxuushnimo ah, waxaana ay ku eedeeyeen madaxweynaha Puntland Faroole in dagaalkaasi uu isagu amraya, ujeedadiisuba tahay inuu colaad cusub dhex dhigo beelaha walaalaha ah ee wada daga gobolka Mudug.
Jaamac Cabdullaahi oo ka mid ah odayaasha Puntland oo saaka u waramayey warbaahinta Gaalkacyo wuxuu sheegay in weerarkaasi lagu laayey dad biri-mageydo ah oo aan waxba galabsan.
“Puntland waxey tiri waxaa na soo weeraray dowladda Galmudug, haddii Galmudug ay weerarkaasi ka qeybqaadan laheyd xaaladdu intaa waa ka cuslaan laheyd, Faroole ujeedadiisu waxey tahay bacdamaa ay doorasho ku soo fool leedahay inuu indhaha reer Puntlannd ku sii jeediyo colaad & dagaal” ayuu yiri Jaamac Cabdullaahi, wuxuuna intaa ku daray in culimada la weeraray ay ahaayeen culimo wacyigelin ka waday deegaankaasi oo marar badan ay dagaalo ka dhaceen.
“Faroole caradii uu ka qaaday booqashadii Madaxweynaha ee Kismaayo ayuu kala dul-dhacay culumaaúdiin muxaadaro u tegay deegaankaasi, wuxuuna doonayaa in Puntland uu meel cidlo ah soo istaajiyo” ayuu yiri Jaamac
http://www.yoobsannews.com/jaamac-faroo ... khrinayey/