

War Deg Deg ah– Madaxweyne Axmed Madoobe oo u duuley Muqdisho iyo Bare Hiiraale oo Shirka Muqdisho loo diidey inuu kasoo qaybgalo
Kismaayo–2 Okt.2013–Pi– Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka duuley Magaalada Kismaayo isagoo kusii jeeda Muqdisho si uu uga qaybgalo shirka Jubooyinka ee halkaas ka furmi doona Beri subax, shirka ayaa lagu wadey inuu furmo galabta balse beri ayaa loo balamay.
Saaka Waxaa Garoonka Duyuuradaha Kismaayo ka baxay ugu yaraan shan duulimaad oo kala duwan kuwasoo qaadey Ergooyinkii Jubaland uga qayb gali lahaa Shirka, Warar rasmi ah oo aan helney ayaa sheegaya in Korneyl Bare Hiiraale aan shirka lagu casumin, arintaan ayaa ka timid dhinaca Jubaland, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Xasan Sheikh u sheegay inaysan shirka Jubaland ka qayb galayn haddii Bare Hiiraale kasoo qayb galayo, taas ayaana dhalisey in aan Bare Shirka looga yeerin.
shirka ayaa Beri oo axad ah ka furmi doona Magaalada Muqdisho.
Puntlandi.com
Kismaayo

Boss Man: Walking With His Head Held High.

http://puntlandi.com/war-deg-deg-ah-mad ... -qaybgalo/